Ciidamada Puntland oo Gacanta Dhigay Rag ka Tirsan Daacish %&duqaymo Xalay loo gaystay Daacish
09 Jan 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Puntland ayaa Gacanta ku Dhigay Rag ka tirsan Argagixida Daacish kuwaasoo ku dhuumanayey Buuraha gobolka Bari oo ay iminka Puntland ka wado Argagixi sifayn.
Argagixisada Daacish ayaa waxaana ilaa Xalay ku socday Dagaalo toos ah iyo Duqaymo dhanka Cirka ah, iyadoo Puntland ay Qabsataay Saad Ciidan oo argagixisadu lahayd.
Caamir Axmed Saalax oo ahaa isku xirihii guud ee Daacish Bariga Afrika oo Dhalasha ahaan kasoo jeeday Ciiraaqi ayaa lagu dilay duqaynta, iyadoo 13 kalena ay la Geeriyoodoon.
Duqayntan oo ka dhacday Godka Dulaciin ee Aaga Il iyo Camayra ayaa waxaa kaloo lagu dhaawacay argagixiso badan oo Ajaanib ah.