MD Xasan Sheekh & RW Abiy Axmed oo ku heshiiyey in si buuxda loo soo celiyo xariirkii diblumaasiyadeed lana ixtiraamo heshiisyadii hore uuna ka mid yahay kii Ankara oo Itoobiya u ogolaanayay gaarida Badda Somalia
11 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo RW Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku heshiiyey in si buuxda loo soo celiyo xariirkii diblumaasiyadeed ee 2da dal, sidaas oo kale la ixtiraamo heshiisyadii horey loo gaaray, oo lasii wado Heshiiskii Ankara oo Itoobiya u ogolaanayay hanaanka gaarida Badda Soomaaliya.
Labada dal ayaa isku raacay in layska kaashado amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha & Daganaanshaha gobalka, iyadoo madaxdu ay niyadsami muujinayaan.
Madaweyne Xassan Sheekh iyo RW Abiy ayaa isku afgartay in niyadsami la muujiyo, laysna dhaafsado xogaha, iyadoo guddiyo farsamo oo heshiisyada rasmiga ah diyaariya la sameeyo, si meelmar looga dhigo damaca gaarida Itoobiya ee Badda Soomaaliya.