Dhagayso: Wasiir Cali Balcad ” Itoobiya waxay soo magacaabaysaa Safiirkeeda Muqdisho iyo laba Qunsul, Somalia waxay wefti kale u diraysa Itoobiya oo kala xaajoonaysa Ciidamada”
12 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wasiir dawlaha Arimaha Debada DFS Cali Cumar Balcad (Cali Balcad) oo la hadlaya VOA ayaa in Itoobiya ay soo magacaabayso Safiirkeeda Muqdisho iyo laba Qunsul oo u fadhin doona Hargaysa iyo Garowe.
Wasiir Balcad oo wax laga weydiiyey hadalkii Wasiirka Arrimaha-dibada Masar ee ahaa “In aan Itoobiya loo ogolaandoonin in ay cag soo dhigaan Badda-cas” ayaa sheegay in aan “Soomaaliya wax ka khusayn Badacas”. Waxa uu sheegay Badacas in ay Jabuuti ka bilaabato balse Soomaaliya masuuliyad ka saarantahay gacanka Cadmeed iyo badwaynta Hindiya.
Balcad oo sidoo kale la weydiiyey sida ay Itoobiya ku gaadhayso Badda ayaa sheegey in wada-hadallada bisha Febraayo ee Turkiga lagaga arrinsanayo oo aan ilaa hadda laga hadlin wax Badda quseeya balse kalsoonida oo keli ah la dhisayo.
Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay wefti kale u diraysa Itoobiya todobaadkaan, iyadoo kala xaajoonaysa Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ay keenayso Soomaaliya.