Madaxweynaha Jubaland oo Puntland ku taageeray dagaalka ay ku ciribtirayso kooxaha Argagixiso
13 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Puntland ku taageeray dagaalka ay ku ciribtirayso kooxaha Argagixiso, wuxuuna bogaadiyey horumarka lasameeyey, ahmiyad weyn ayuu sheegay in ay Soomaaliya u leedahay dabargoynta Argagixisada.
Hoos ka akhriso qoraalka Madaxtooyada:
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagan Dowladda Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalkan.
DHAMMAAAD.