Sawirro: duulimaadyadda diyaaradda Air Arabia ee tooska ah ee isku xiraya Bosaso iyo Shaariqa oo la daah-furay

14 Jan 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Puntland Maxamed Baarri Shirew, ayaa si rasmi ah u daah-furay duulimaadka diyaaradda Air Arabia ee tooska ah ee isku xiraya Boosaaso iyo Shaariqa. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo qayb ka ah horumarinta dhaqaalaha iyo isku xirka caalamiga ah ee Puntland.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabka dalkaas kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan horumarinta Puntland. Wuxuu sheegay in duulimaadka cusub uu muhiim u yahay fududeynta isku socodka dadweynaha, xoojinta xiriirka ganacsi, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Puntland.

“Furitaanka duulimaadkan cusub wuxuu fure u noqon doonaa horumarka guud ahaan Puntland. Waxaan u mahadcelinayaa Dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabka walaalaha ah ee taageerada joogtada ah naga siiya horumarinta dalkeenna,” ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenka.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Cabdullahi Bille Nuur, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Isimo, maamulka Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, ganacsato, iyo wakiillo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Cabdullahi Bille Nuur oo isna hadal kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in daah-furka duulimaadka diyaaradda Air Arabia uu yahay guul weyn oo ka dhalatay dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Duulista Puntland ku bixisay horumarinta kaabeyaasha garoomada iyo kor u qaadidda xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

“Duulimaadkan tooska ah wuxuu kaalin mug leh ka qaadan doonaa fududeynta socdaalka iyo kobcinta dhaqaalaha Puntland. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri Wasiir Lugatoor.

Madaxweyne Ku-xigeenka Shirkadda Terminals Holding, Mudane Maxamed Alebri, oo isna hadal ka jeediyey xafladda ayaa si weyn u boggaadiyey iskaashiga Puntland iyo Imaaraadka Carabta, isaga oo tilmaamay in duulimaadkan uu yahay mid si toos ah uga jawaabaya baahiyaha bulshada Puntland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo socdaalka.

Duulimaadka cusub ee Air Arabia ayaa la filayaa inuu si gaar ah ugu fududeeyo bulshada Puntland safarka tooska ah ee isku xira Boosaaso iyo Shaariqa. Waxaa la filayaa in mashruucan uu dhiirrigeliyo horumarinta ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah ee Puntland.

Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntii ku booriyey bulshada iyo ganacsatada in ay ka faa’iideystaan fursadan, isaga oo ballan qaaday in Dawladda Puntland ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo isku xirka caalamiga ah iyo adeegyada shacabka.

About The Author