Sawirro: Lugatoor iyo weftigii uu hogaaminayey oo kulan la yeeshay Xubno ka mid ah Baarlamaanka Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee Jarmalka
14 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xubno ka mid ah Baarlamaanka Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee dalka Jarmalka.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa Iskaashiga labada Maamul iyo Mataanaynta Puntland iyo Nordrhein-Westfalens.
Xiriirka Puntland iyo Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee dalka Jarmalka ayaa soo bilowday kadib markii September 2024 Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wefti uu hogaaminayey ay safar shaqo ku yimaadeen dalka Jarmalka.
Safarka waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliya Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Dowladda Puntland Maxamed Xasan Ibraahim, Senator Samiira Maxamuud iyo Madaxa La-Socodka Mashaariicda iyo Hawl-Fulinta Dowladda Puntland Mawlid Bashir Axmed.