Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa kormeer shaqo ku tagay Maxjaradda Magaalada Boosaaso.
15 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa kormeer shaqo ku tagay Maxjaradda Magaalada Bosaso.
Booqashada oo daaranayd u kuurgelidda habsami u socodka shaqo ee maxjaradda. Waxa maxjaradda ku soo dhaweeyey maamulayaasha maxjaradda Wadani iyo Jabiri, mamulaha dhakhaatiirta xoolaha ee dekedda Siciid Nuur Jaamac, isuduwaha wasaaradda ee Gobolka Bari Maxamed Ismaciil Warsame iyo dhakhaatiirta maxjaradda.
Wasiirka ayaa warbixinta dhoofka xoolaha ka dhagaystay mas’uuliyiinta sidoo kalena maamuleyaasha maxjaradda ayaa ka warbixiyey nidaamka hubinta bedqabka iyo caafimaadka xoolaha dhoofaya si kor loogu qaado tayada xoolaha dalka ka baxaya.
Ugu dambayn wasiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta adkaynta shaqada si ay u soo baxaan xoolo tayo leh iyo iskuxirnaanta shaqo ee maxjaradda iyo wasaaradda heer gobol iyo xarunta dhexe.