Muuqaal-Sawirro: Puntland oo Gargaarka ban’aadantinimo u dalabtay shacabkii kunoolaa deeganada laga xoreeyey Daacish &….
16 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso kaasi oo looga hadlay Amniga Guud, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisa ee Puntland, Guulaha Ciidanku gaaray, garab istaaga Ciidanka iyo Gargaar bani’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku nool iyo kuwa kasoo barakacay deegaannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.
Kulanka waxa kale oo looga hadlay xaaladda Waddooyinka Boosaaso, iyadoo ay Dowladda hoose ee Boosaaso iyo Dowladda dhexe ee Puntland iska kaashanayaan dib-u-furida Wadooyinka Boosaaso si kor loogu qaado bilicda iyo Amniga magaalada, sidoo kale waxaa Golaha kasoo baxay in la dardargeliyo shaqooyinka hore u socday ee dhismaha, dayactirka iyo dib-u-habeynta waddooyinka gobolada Puntland.