Mowqifka Puntland ee Shirka Xamar.
Marka hore inta aanan u gelin dulucda qormada. Waxaan jeclaystay in aan ka hor mariyo, xooga hordhac ah. Hordhacaas oo ah wax la wada ogyahay laakiin iga ah xusuusin ( Culimada wacdigu waxay intaas sheegaan eray ah “itaqillaah”).
Hogaamiyihii wanaagsan waxaa lagu gartaa mowqif cad iyo go,aan qaadasho dhab ah, fulin codsiyada dadka uu markaas hogaamiyo, daacadnimo iyo ka runsheeg shaqada uu ummadda u hayo. Intaas waxaa dheer qaybta practical:ka ah oo ah habka shaqofulineed, Yool iyo hiigsi waqtiyaysan, qofwalba uu ku fekeri karaa meel wanaagsan, waana sahal in la yiraahdo waa Yoolkayga, laakiin waa in ay macquul tahay in la dhaqan gelin karo, Yaalkaas. Taas dabadeedna waa in uu hogaamiyahaasi leeyahay istratijiyad (strategy ) qeexaysa habka la marayo si loo gaaro yoolkaas. Waxaa kale oo aan meesha ka marnayn, Codkarnimo, maadaama uu qofku yahay hogaamiye, ummadda uu xukumaa way dhawraysaa! oo sarrifaysaa/ fasiraysaa, hadalada ka soo yeera, iyo mawqifka uu ka qaato xaalad markaas taagan. Waa in uu gaarsiin karaa ulajeedka iyo nuxurka hadalka, waa in uu tilmaami karaa meesha loo socdo. Intaas marka la helo, waxaa “plus” ah fahamka ummadda ama bulshada uu hogaamiyo, taariikhda, qaab dhismeedkooda bulsho iyo waxa ay qiimaha u yeelaan. Taasina waxay keentaa dad wadasho ama iswadasho laba dhinac ah, micnaha uusan jirin khasab fikir ama aragtiyeed ka socota dhinaca hogaamiyaha. Illen taasi waxay abuuraysaa kala tag iyo nacayb bulsho.
Innagu hadaynu Soomaali nahay amaba afrikaan aan iraahdee ma hayno Hogaamiye ku sifoobey tilmaantaas. Waxaa jirey eray uu Obama isticmaalay khudbadiisii shalay ee uu ka jeedinayey African union, mar uu sharaxayey sida uusan u garan sababta ay Afrikaanku xukunka isugu dhejiyaan marka uu xiligoodu dhamaado, ayuu yiri “ waxay inta badan ku doodaan in ay iyaga kaliyihi isku hayn karaan ummadda ay hogaamiyaan”
Bal daa in ay fahmaan, in uusan khasab wanaag keenine, waxaaba ku jirta cabsi ay u cabsanayaan in dalku burburo haday iyagu meesha baneeyaan ama raacaan rabitaanka bulshada. Taasi innaga Puntland ahaan inagama marna oo waa tii aynu maqlayney xiligii doorashada la isku deyey, erayadda ah uma bisla doorasho, iyo laguma aamini karo dadka doorasho ileen garanmayaan waxay rabaane.
Waxaa in taas raaca in dadku ama ummadi ay sida faraha oo kale tahay, oo ay dhici karto in hogaamiyahaas Afrikaan ka ah ee aaminsan sidaas, in uu leeyahay taageereyaal la aaminsan fikradaas, ama dheef gooni ah haku qabeen ama mideeye kale oo ay dadka kaga duwanyihiin ha jirtee.
Iyadoo anan jeclayn in uu qoraalku ila dheeraado, waxaa haboon in hogaamiye lagu qiimeeyo ficiladda uu ka qaato xaalad jirta, ama halla taageero fikir ahaan ama hallaga soo horjeedee.
Markaan u soo noqdo dulucda qormada oo ku saabsan mowqifka Puntland iyo madaxweynaheedu ka qaateen shirka Xamar ee hiigsiga 2016 iyo new deal:ka waxa loogu yeeray isugu jira. Waxaan leeyahay waa tilaabadii ugu horreysey ee ah mowqif cad iyo rabitaan bulsho oo uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Waxaan leeyahay hambalyo, waxaanna filayaa in bulshada Puntland ay aad u taageersan tahay mowqifkaas.
Mid baana dhab ah. Hadii soomaalinimo la rabo waa in aysan hal dhinac ka socon ee ay Soomaalidu wada rabtaa. Innaga reer Puntland ahaanna, aynaan dabo socon shuraako shardi la,aan ah. Ee waa in aynu muujinnaa in aynu diyaar u nahay haday diyaar u yihiin cidda inala yeelanaysa, oo ah Soomaalida inteeda kale.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com