Sawirro: Ciidanka Puntland oo Argagixisada ka furtay….

15 March 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca dawladda Puntland oo diley Madixii Daroonnada Qarxa iyo Miinooyinka ee khawaariijta Daacish, ka dib hawlgallo ay ka sameeyeen ciidamadu Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee buuraha Calmiskaad, kuwaas oo u ahaa Talisyo iyo fadhiisimo kooxaha abaabula dhagarta Qaraxyada ee Argagixisadaasi.
Ciidamada ayaa sidoo kale kooxdaasi ka dhaawacay sharwadayaal, iyagoona ka qabsaday hub iyo saanad kala duwan oo muhiim ah.














































