Muuqaal: Taliye Shub oo sagoontiyey Ciidamo ka tirsan Ciidankaa Asluubta eDFS oo loo daadgureeyey deegaanada Shabeelooyinka, si ay qayb uga …

16 March 2025 (Puntlandes.com) Ciidamo ka tirsan Ciidankaa Asluubta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa loo daadgureeyey deegaanada Shabeelooyinka, si ay qayb uga noqdaan howlgalka ladagaalanka Alshabaab.

Taliyaha ciidanka Asluubta Gen Mahad Cabdiraxmaan (Taliye Shub) oo la dardaarmay ciidankan ayaa faray adkaysi iyo sugnaansho, ayna qayb ka noqdaan sifeyta Argagixisada.

Taliye Shub ayaa yiri “Dagaal ayaa loo socdaa ma idinkama qarinayo waxaad wadataan AK-47 iyo hub waa weyn ee qoryihiina si cajiib ah u cabaysta, is difaaca ninkii xabada Argagixisada ka carara nagama mid ahan”

Madaxweyne xasan Sheekh ayaa amray in dhammaan ciidamada qaybahooda kale duwan Boolis, Asluub, Milateri, Nabadsugida iyo Koofiyad Casta la geeyo furimaha dagaalka si ay uga qaybgalaan dagaalka Alshabaab dawladdu kula jirto.

About The Author