Waa wadamadee Basaboorada badan ee ay Ciidanka Puntland Godka Aleelo-Yar ee Miiraale?

28 March 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka Puntland oo gudaha u galay Godka Aleelo-Yar ee Miiraale, oo habeen hore Maraykanku duqeeyay, ayaa ka sokow hubka, meydadka tiro beelka ah, Diyaaradaha Drone-ta, qalabyada Ciidan ee laga helay Afaafka Togga Miiraale ayey sidoo kale waxay ka heleen Ciidanku Aqoonsiyadii ugu badnaa oo ahaa Baasabooradii ay Argagixisadu kusoo galeen dalkeana.

Baasaboorada Ajaanibta Daacish, ee ay maanta gacanta ku dhigeen Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland , waxaad ka garan kartaan wadamada ay u kala dhasheen Ajaanibta inagu soo duushay, waxayna kala yihiin:

1- Sacuudi Careebiya sadex Baasaboor, taas oo ka dhigaysa Sacuudiga inta la aqoonsaday ilaa imainka 4 ajaaniib oo Sacuudiyaan ah, oo amaandarro lasoo aaday Puntland.

2- Jarmal hal Baasaboor, oo Yurub uga yimi dhibaateynta Shacabka Puntland.

3- Arjentina hal Baasaboor oo u yimi dhibaateyn shacabka Puntland

4- Tunisia laba Baasaboor oo u yimid Dhibaateynta Shacabka Puntland

5- Maroco Afar Baasaboor, taas oo kordhinaysa aqoonsiyada Maroco ee horey loo hayay.

6- Kenya hal Baasaboor oo yimid dhibaataynta shacabka Puntland.

7- Tansaaniya 12 Baasaboor, taas oo caddaynaysa tirada badan oo dalkaas kasoo jeeda oo Argagixisadan ka mid ah.

8- Lebnaan Hal Baasaboor, oo u yimid dhibaateyn Shacab Puntland.

9- Baxreyn Hal Baasaboor, oo dhibaataynta shacabka Puntland u yimid.

10- Bangladesh Afar Baasaboor oo u yimid dhbaataynta shacabka Puntland.

Baasabooradaan ayaa waxay muujinayaan in Argagixisada ku jira buuraha Calmiskaad ay yihiin Ajaaniib faduul kutimid dalkeena.

About The Author