RW Xamse oo magacaabay Guddiga Taakuleynta Dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo Daacish

03 April 2025 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Alshabaab iyo Daacish.
Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, wuxuuna ka kooban yahat 7 xubnood.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Bashiir Goobe ayaa 12kii Maarso sheegay in guddi uu ka mid yahay uu na ku jiro wasiirka Waxbarashada loo magacaabay taageeriradda DFS ee dagaalka aya Puntland kula jirto Argagixisada Daacish.
Hoos ka daawo hadalka wasiika:
