Kulankii MD Xasan Sheekh uu layeeshay Madaxweynayaasha Hirshabeele, KG & Galmudug oo ugala hadlay dagaalka Alshaab

05 April 2025 (Puntlandes.com) Kulankii shalay ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh la yeeshay Madaxweynayaasha Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayuu ku wargeliyey in howgal kooxda Alshabaab ka dhan ah laqaadi doono.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gaar ahaan Koonfur Galbeed la bilaabi doono ayna jiraan wadamo ka qayb qaadan doona howgalka dagaalka.

Ma jirin qodobo kale oo fadhigii shalay lagu sooqaaday, welina waxaa taagan oo laga sugayaa mudaynta Shirkii uu madaxweynaha ku baaqay.

About The Author