Diyaaradaha Turkish Airline & Egypt Air oo duulimaadkoodii Muqdisho ujoojiyey sababo amni

06 April 2025 (Puntlandes.com) Diyaaradaha Turkish Airline iyo Egypt Air ee taga magaalada Muqdisho ayaa duulimaadkooda la joojiyey, sababo la xariira dhinaca ammaanka sida ay sheegayaan saraakiil katirsan laamaha amniga ee DFS.

Waxay ahayd bilo kahor markii Mareykanka ay digniin amni oo ay ka soo saareen amniga xeyndaabka Xalane ay si xoogan uga xarootay DFS.

Subaxnimadii saaka, hoobiyayaal lagu tuuray xeydaanbka garoonka diyaaradaha ayaa sababay in 2 ku dhaceen dhabaha diyaaraduhu ku ordaan bilow ilaa dhammaadka, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin laamaha amniga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar kale oo ka mid ah hoobiyayaal lagu soo riday xerada Xalane ayaa la sheegayaa in ay ku dheceen Safaaradda Talyaaniga, weli lama oga khasaaraha.

Sidoo kale waxaa shalay agagaarka Villa Somalia lagu garaacay Hoobiyayaal, waxaana la aaminsan yahay in ay kooxaha Argagixisadu ka dambeeyaan.

About The Author