Hawlgalka AUSSOM oo xaqiijiyey in hoobiyeyaal lagu weeraray xerahooda ku taalla Muqdisho

06 April 2025 (Puntlandes.com) Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa qoraal uu saaray wuxuu ku xaqiijiyey in hoobiyeyaal lagu weeraray xerahooda ku taalla Muqdisho gaar ahaan Xalene.
AUSSOM ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay in Abbaaro 6:05 subaxnimo, maleeshiyaadka Alshabaab ay dhowr madfac oo hoobiye ah ku garaacay Xerada AUSSOM ee Muqdisho. Sidoo kale waxay sheegeen inuusan jirin wax khasaare ah oo nafeed ama hantiyeed, waxaana xaalada hadda la xakameeyay.
