RW Xamse oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee SSC-Khaatumo

12 April 2025 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa goordhow ka degay magaalada Laascaanood ee caasimadda SSC-Khaatumo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse ee Laascaanood ayaa noqoneysa tii u horreysay oo mas’uul sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka uu ku tago halkaas, tan iyo dhismihii Jamhuuriyaddii 3aad.
Waxayana booqashadaani ka dhigaysaa mid albaabada u furta midnimo iyo rajo nabadeed oo reer SSC-Khaatumo ay la hanaqaadaan, tan iyo markii Laascaanood noqotay magaalo xudun u ah midnimada dalka wixii ka dambeeyay Agosto 2023 oo Laascaanood laga saaray Somaliland taasoo tan iyo sanadkii 2007-dii ka talinayay halkaas.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadooda ay tahay labo cisho, waxayna kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Maamulka SSC-Khaatumo, Isimada iyo bulshada magaalada.