Warsaxaafadeed: Xisbiga Himilo Qaran “wuxuu si adag u cambaareynayaa, una arkaa sharci darro xariga Agaasime ku xigeenka warbaahinta Shabelle”

12 April 2025 (Puntlandes.com) Xisbiga Himilo Qaran oo Warsaxaafadeed soo saaray aya si adag u cambaareeyey kuna tilmaamay sharci darro xariga Agaasime ku xigeenka warbaahinta Shabelle Weriye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane.

Hoos ka ahkriso warxasaaxadeedka:

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaareynayaa, una arkaa sharci darro xariga Agaasime ku xigeenka warbaahinta Shabelle, Weriye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane.

Tallaabadaani waxay muujinaysaa in xukuumadda iyo Booliska Gobolka Banaadir ay dhegaha ka fureysteen baaqyada la xiriira joojinta cabburinta saxaafadda xorta ah.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale ka xunyahay in xariga Weriye Soofeysane uu ku soo beegmay iyadoo labo maalmood ka hor Booliska Gobolka Banaadir uu xoriyadiisa ka qaaday muddo kooban Weriye Faysal Cumar oo ka tirsan wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters.

Dhacdooyinkaan iyo xadgudubyadaan joogtada noqday waxay sidoo kale dhacayaan xiili uu wali sifo sharci darro ah u xiranyahay guddoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag uga digayaa sii socoshada tacadiyada noocaan ah ee ka dhanka ah saxaafadda xorta ah iyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed. Wuxuuna xisbigu u sheegayaa hoggaanka sare ee Dowladda soomaaliya inaan dalka lagu maamuli karin cabburin,

cabsi gelin, hanjabaad iyo cago juglayn. Arrintaani waxay tusaale cad u tahay ayna waxba kama jiraan ka dhigaysaa inaan dalkaani u diyaarsanayn doorasho xor ah ee la doonayo in kursiga xoog lagu sii joogo, taas oo aan u suuroobayn.

Madaxda dowladda soomaliaya ee aan wajihi karin in la sheego xaqiiqooyinka ayaa maciin bidaysa inay diiddo kulamada, waraysiyada iyo inay dadku ra’yigooda cabbiraan.

Madaxda dowladdu waxay kusoo guryo noqdeen shacabka markii ay ku fashilmeen amnigii, dhaqaalihii iyo isku hayntii dalka.

Xisbigu wuxuu ku baaqayaa inaysan Ciidanka Boolisku oggolaan in loo adeegsado siyaasadaha jaahwareersan ee madaxda sare ee dowladda kasoo fulaya, si deg deg ahna ay xorriyaddooda loo siiyo weriye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane iyo sidoo kale Guddoomiyaha Xisbi siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu madaxda sarre ee dowladdasoomaliaya ah xusuusinayaa in illaalinta madax-bannaanida iyo xorriyadda hadalka ay yihiin KHAD CAS iyo mabaadii aas-aasi ah oo aan gorgortan laga gali karin sida uu qabo dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, kaas oo dammaanad qaadaya warbaahinta xorta ah iyo afkaarta siyaasiga ah.

DHAMMAAD

About The Author