DFS oo Xabsi u taxaabtay Agaasime ku xigeenka Shabakadda Warbaahinta Shabelle

12 April 2025 (Puntlandes.com) Waxaa goor dhow Saldhigga Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir lagu xidhay Agaasime ku xigeenka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Wariye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane
Wariye Soofeesane ayaa looga yeeray saldhigga Booliska Degmada Xamarweyne si Su´aalo looga weydiiyo wareysi uu la yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan kaasi oo isna Booliska u xiran.