Sawiro: Guddoomiye kuxigeenka Barlamanka DFS oo la Kulmay Waxgaradka degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug
10 Sep 2015 (Puntlandes): Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka DFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Qaybinta Badeecooyinka Puntland ayaa maanta hotel Sugulle kulan kula qaatay qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug Puntland.
Qaar ka mid ah Odayaasha Towfiiq oo ka qayb galay kulanka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay la kulmaan Mahad Cabdalla Cawad, Odoyaasha ayaa ku booriyey Mahad maadama uu wakiil uga yahay Baarlamaanka iyo DFS inuu kaalintiisa ka qaato horumarinta Degmada Towfiiq.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu markii labaad yimaado Gobalka Mudug ee Puntland, waxa kale oo uu intaas ku daray inuu socdaalkiisii hore soo maray Degmooyinka Jariiban iyo Towfiiq ayna wax badan odayaasha iyo mamulka degmadaasi ka wada hadleen.
Gudoomiye Mahad ayaa sidoo kale carabaabay maadama uu madaxwayne GAAS uu daahfuray Sanduuqa horumarinta Gobalka Mudug inay Degmada Towfiiq saamigeeda ka heli doonto.