Sawiro: Qalab lagu wareejiyay guddiga nabadaynta Colaadii Hawdka
1 Nov 2015 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa maanta qalab ku wareejisay Guddiga Nabadaynta Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Qoriley iyo Cagaare ee dhanka Hawdka.
Qalabkaan lagu wareejiyey Guddiga ayaa ka koobnaa sagaal waxyaabo oo uu ugu weyn yahay Matoor koranto dhaliye ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa ku wareejiyay qalabkaan Suldaan Cabdullaahi Faarax Abuurkar oo katirsan guddiga nabadaynta shirka.