Sawiro: Wasiirka waxbxarashada iyo tacliinta sare Puntland oo soo xiray tababar loo furay maamulayaasha waxbarashada Dad-ban
6 Nov (Puntlandes) Wasaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland ayaa tababar socday mudo shan cisho ah waxay Garowe ugu qabatay Maamulayasha waxbarashada dadka waa weyn.
Tababarkan oo ahaa mid sare loogu qaadayo Tayada Aqoonta Maamulayaasha Waxbarashada dad-ban ayaa waxaa kasoo qayb galayaashii tababarka tilmaameen inay aad ugu faraxsan yihiin macluumaadka iyo casharada la siiyay.
Agaasimaha waaxda waxbarashada dadka waa weyn Safiyo Sagulle ayaa xiritaankii tababarka sheegtay in tani ay qeyb ka tahay hormarinta waxbarashada Dalka. Tababarkaan waxaa ka faa’iideystay 80 macalin oo ka kala yimi gobaladda Puntland.
Madaxa Hay’adda ADRA Puntland oo la yiraahdo Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay tababarka noocaan oo kale inuu sii socon doono, waxa kale uu sheegay Jaamac Tababarkan inuu qayb yahay mashruuca waxbarashadu waa Iftiin oo ka socda Puntland, kaasoo ay maalgalisay Midowga Yurub, waxa kale uu la dardaarmay kasoo qayb galayaasha tababarka isagoona sheegay inay muhiim tahay in looga faa’iideeyo dadka waa weyn ee ku mashquulsan waxbarashada.
Wasiirka waxbarashadda Puntland Abshir Aw-ciise Ciise oo tababarka soo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay casharada kala duwan ee kasoo qayb galayasha la siiyay, wuxuna sheegay waxbarashada dad-badan inay ka mid ahayd waxyaabihii lagu soo bad baaday ayna la mid tahay waxbarashada tooska ah, wasiirku waxa uu tilmaamay inay xoojin doonaan waxbarashada noocaan oo kale ah, lana sii badin doono tababaradan.
Tababarkan ayaa xooga saarayay Manhajka waxbarashada dad-badan, fullinta barnaamijka waxbarashada dad-badan, qaabka dadka waa weyn wax loo baro, habka iyo tabaha loo addeeg sado marka dadka waa weyn wax la barayo, manhajka cusub ee barnaamijka waxbarashada dad badan heerka koowaad ilaa heerka labaad iyo is-bar bar dhiga waxbarashada dad badan iyo tan tooska ah.
Puntlandes.com