Daawo Shirkii Jaraa’id ee Gen.Darwiish & Shirarkii Xamar waxa looga hadlay
8 Nov 2015 (Puntlandes) Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa Shir Jaraa’id oo uu Kismaanyo ku qabtay kaga warbixetyey Shirar maalmihii u dambeeyey uu Xamar uga qayb galay.
Gen.Darwiish ayaa sheegay in maamul walba la siiyey 150 qof ayna hal maalin dooran doonaan habka ay u dhacayso Doorashada soo socota 2016 ka ee Soomaaliya laga filayo inay ka dhacdo.
- Xamar 150
- Hiiraan & Jowhar 150
- Gobol & Barka Galmudug 150
- KGS 150
- Jubaland 150
- Somaliland
- Puntland 150
Isu gayn waxay noqonaysaa 1050 qof oo dooranaya habka ay u dhacayso Doorashada 2016ka. Waxaa hubaal ah inay noqonayso sida ay Kooxda ka talisa Villa Somalia Qorshaysatay ileen waxaa meesha ka maqan cid la xisaabtanta Kooxdan Damaca waalan wadata.