Goorma Soomaalida loo sheegi doona?
Goormay waajib noqon doonta? in Soomaalida lagu yiraahdo waad is maamuli weydeen ee waa la idin maamulayaa in kastoo Haddaba ay dawladdo ajabaniya), inna maamulaan haddii ay noqon lahayd ciidan siyaasad iyo dhaqaalaba, laakiin wili waxaa innagu jirta inaan madax bannaani haysano laakiin ilama ahaan qaran an ciidankii mushaarsiin karin qaran aan midnimo iyo qadiyad wadanimino lahayn inuu madax bannaanyahay..
Goormaa la soo bandhigi doona heshiiso qarsoodiya oo aan Soomaalidu waxba kala socon kuna wajahan dhulka Soomalaida sida loo kala leeyahay?
Ma dareensanahay inaan halis ugu jiro inaan dhulkeenna ku waayi karo qabyaalad iyo qabiil dartiis??
Mise ogtahay in tariikhada Soomaalida ay ku duugan tahay ama ku xusan tahay in Soomaali ogatay 38, sanno kadib ayada oo la gumaysto?
Maxaad kala socotaa xiligii Soomaalida loo sheegay inaysan lahayn dhulka Hawdka ama Galbeedka Soomaaliya hadana loo yaqaan Dawlad deegaanka Soomalaida Itoobiya..
Arrimahaas waxaan ku soo qaadan doona Qoramadaan aan ciwaanka uga dhigay Goormaa Soomaalida loo sheegi doona?..
Qarnigii sagaal iyo tobnnaad iyo bilowgii qarnigii labatanaad), Soomaalida waxaa kusoo duulay gumaystayaashii awooda dawladnimo sheegan jiray ee Reer Yurub, hayeeshee Soomaali oo kaliya mahayn duulaankaas ee waxaan kala sinayn caalamka intiisa kale haddii aan si kale u dhigo qaarada Africa ayaan kala sinayn gardarada Reer Yurubku ku hayeen ummadda adduunka laakiin gumaysiga kadib xaggee Soomaali ku dambaysay?..
Waxaa innaga inoo sii dheeraa gumaysiga inuu inna kalaqaybiyey gumaystuh’ 1987, ayaa waxaa heshii qarsoodi wada galay Abasiiniya ama Itoobaya heshiiskaas oo dhigayeey in dhulka Soomaalida ee Hawd) xoog iyo xeelad ku qatato Itoobiya , 1944, ayaa si dhaba loogu sheegay Soomaalida in dhulka Hawd ama Soomaali galbeed ama Reserve area), aysan lahayn .
Cumar Carte Qalib oo ka sheegaynaya xiligii Soomaalidu ogaatay in dhulka Soomaliyeed ee Hawd Itoobiya uu Ingiriisku ku wareejiyey ayaa yiri annaga oo macalimiina ama bareyala ayaan Ingiriiska waxaan ku niri waxaanu doonayna inaan soo barano dhulkayaga siiba dhanka galbeed, kadib markii aanu tagnay Reserve area) ee aanu kusoo labanay Hargaysa ayaanu waxaanu soo diyaarinay warbixin laakiin waxaanu weydiinay maamulkii gumaystaha, su’ allahaan…
1,Maxay dawladdu Iskuulo) uga dhisi weyday? Dhulka aanu soo maray wuxuu sheegaya waa dhanka Soomaali galbeed.
2, waxaanu aragnay Saraakiil iyo Askar Itoobiyaana maxay meesha ka qabanayeen? ileen waa wadanagiiye?.
3, Waa maxay micnaha Reserve area), maxay Reserve, ku tahay Hawd garanay oo waa dhulkayagiiye waana koonfurta hargaysee waa maxay Reserve area?.
Cumar cate wuxuu yiri markii aan s’allahaas weydiinay guddoomiyihii mustacmarada), ee Hargaysa fadhiyey wuxuu la xiriiray Dawladda Ingiriiska wuxuuna u gudbiyeey su, allihii Macalimiintu soo weydiiyen Dawladda Boqortooyada Ingiriisku waxay ku soo jawaabtay , u sheegay soomaalida waxaa la gaaray xiligii ay waajib noqotay in loo sheegee heshiis Dawladda ingiriiska iyo Itoobiya ay wada galeen 1944, heshiiskaas oo daba socday heshii kale oo lawada galay 1979, kaasoo dhigaya in dhulka Soomaalida qayb kamida lagu wareejiyo Abasiiniya ama Itoobiya oo aysan Soomaalidu lahayn dhulka Hawd) 25, -agoosto, 1956, ayaa boqorkii Itoobiya wuxuu Qabri dahare ka sheegay in Soomaalidu kamid yihiin qoyska weyn ee Reer Itoobiya..
Hada dulucda qoraalkeygu wuxuu yahay goormaa Soomaalida manta jogta loo sheegaya ? in dhulkooda loo kala qaybiyeey dhawr maamul goboleed kadibna qaybo kamida la hoos gayn dooni dawladdo shisheeye..
Bal inyar dib u eeg taariikhdaas Soomaalidu ma ogeyn xiliga dhulkooda la qaybsaday Soomaalidu ma ogayn xiliga ayaga lakala qaybinaayo waxaase kaaga sii daraan waxaa jira Soomaali, ku qanacsan kala qaybinta dadka Soomaalida waxaa jira Soomaali qadiyadiisu tahay inuu la shaqeeyo gumayste ama cadowga dadka Soomaaliyeed..
Qarnigii 19, Soomaalida waxaa loo kala qaybiyey dhawr qaybood waxaase kaaga daraan Soomaalidu markii lakala qaybinaayey wax wara kama aysan hayn sida ku qoran taariikhda Soomaalida laga qoray, waxaana mar dambe loosheegay qoomiyada Soomalida in loo kala qaybiyey shan meelood ama shan qaybood), waxaana saas u sheegay Dawladdihii boobka iyo handadaada ku hayey dhulka Soomaalida oo ay hormuudka u- ahayeen Ingiriiska Talyaaniga Itoobiya iyo Faransiiska..
Mahadhooyinkii gumaystuhu Ummaddeenna u gaystay waxaa ka mid ahaa inay qabaa,iilada Soomaaliyeed kala QOQOBEEN), ama kala qaybiyeen, ayaga oo’u bixiyeey magacyo aan raad lahaayn si dadka walaalahaa ee Soomaaliyeed u kala irdhoobaan laftigooduna cadow isku noqdaan waxay innoo kala bixiyeen magacyo si an u fulino ujeedkii gumaystaha waxaa la inna dhex dhigay (xayndaab) iyo xudduud been abuura si danta la innaga leeyahay si sahalan la innooka fushado innaguna aan isku dilo..
Waxaa magacyadaas kamida Reserve area ) Jabuuti, North front district (NFD) waxaa xusid mudan magacayadaan manta aan u kala qeyb-qaybsanahay inaynaan innagu dooran ee magaceenu, uu ahaa Soomaaliya ama Soomaali dhulkeenna iyo dadkeenuna uu ahaa mid qura kasoo bilow Wabiga Tanna ilaa gacanka Tajoorre ka hor intii uusan cadawgii ummadda Soomaaliyed kala irdhayn magacyadaas ilaa manta ayaan u kala qayb-qaybsanahay waxaana Inoo dhexeeya xudduud gumaysi dhigay manta ayeysa ugu sii daran tahay oo dareenkeenniii siilamaayo..
Xiligii xorriyadda loo halgamayey waxaa jirta kuwo gumaysti kalkaal ahaa oo lasfnaa gumaystayaashii, dhulkeenna gardarada kujogay, ila maantana waxaa jira kuwo Soomaali dusha uga eg (afsoomaali) ku hadlaya qabiilkiisa iyo qoyskiisana, aad taqaan oo doonaya in Soomaali ahaato meel aan caalamka lamid ahayn meel aan dawladdd lahayn kuwo kale ayaa doonaya inaan ahaano kuwo beesha caalamku maamusho, oo aan is maamulin waligood.. ogow waa Soomaali kuwa saas doonaya waxayna ku qanacsan yihiin (sandareerada ama xoogaga laaluushka ee Dawladdo shisheeye siiyaan” laakiin hoggaamiyayaasha Soomalidu waxay garan la`yihiin dalkaba inay ayagu leeyihiin waa tuu lahaa AUN Sayid Maxamad Cabdulle Xasan IDINKAABA DALKABA LEH DAWLAD MAW A, AHAATAAN ILEEN DOQONI CALAF MALEH DULBAX MAXAA KABEYLAHAY..
Soomaalidii horre ayaa ku maahmaahday dantiisa garaan waaye maro duuga horteed ayuu dhammaada
Midnimadu waa guul
Cabdinuur Faarax Maxamuud
Falanqeeye arrimaha bulshada
Daabacaadii: Puntlandes.com