Akhriso: Shirkii Goloha Xukuumadda Puntland ee Maanta
12 Nov 2015 (Puntlandes) Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa maanta looga hadlay arrimaha Ammaanka, Safarkii Madaxweynaha ee dalka isu-tagga Imaraadka Carabta, Saamaynta duufaanta ee xeebaha Gobolada Gardafuu iyo Bari, Wax qabadkii Dawladda Puntland ee Gobolka Mudug, U diyaar garowga la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, Ka Doodida xeerar kala duwan iyo warbiximo.
o