Daawo Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Furidii Shirka Wadatashiga Garowe ee Doorashooyinka 2016ka

16 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si kulul u sheegay inaysan Puntland u baahnayn Dhaqaale  Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka anagaa isku filan ayuu sii raacshay madaxweyne Gaas.

Gaas  oo ka hadlaya meesha ay Soomaalidu maanta is dhigtay ayaa yiri ”in maalinba nin la inoo keeno … waa meeshaan is dhignay” Gaas waxa uu xusuusiyey Soomaalida in dawlado dagaal Sokeeye soo galay sida Uganda iyo Siiralyoon in loo soo diray Soomaaliya inay caawiyaan”

Gaas ayaa maruu ka hadlayey Wada tashiga socda waxa uu yiri ” Soomaliya waxaa la yiri wada tashiga hal hal magaalo ha lagu qabto macquulna mahan sababto ah Puntland waa sagaal Gobol haddii Soomaliyadii hore la eegana waa shan gobol iyo degmo marka intii la dhihi lahaa Garowe baa hadashay waxaan rabnaa Puntland oo dhan baa hadashay in la dhaho, UN ka dhaqaale kama rabno ha haystaan. Waxaad go’aansataan baan qaadayna oo Soomalida u gaynayna”

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay maalinba nin inoo soo diraan waliba mararka qaarkood kuwa ugu xun usoo wakiishaan Soomaaliya, taasina wuxuu tilmaamay in looga bixi karo Soomalidu oo wada hadasha.

Gaas ayaa  si qiiro leh u barbar dhigay Koonfurta waxa uuna yiri ”Puntland waxay ku qabanaysaa wadatashi dadweyne ay lix Degmo, ma jirto meel kale oo Soomaalya ah oo dhul intaas baaxad leh lagu qaban karo hal mar”

Daawo Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Furidii Shirka Wadatashiga Garowe ee Doorashooyinka 2016ka oo uu Somalichnnel ka diyaariyey

About The Author