Ururka MAP oo cambaarayay xarigga Wariye Deparani kuna tilmaamay ”Kufsi Dastuurka Puntland”
19 Nov 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Ururka saxaafadda Puntland ee MAP ayaa caro leh uga hadlay Xarigii Wariye Jaamac Deperani uu maanta Xiray Wasiirka Warfaafinta Puntland Soocadde.
Guddoomiyaha Ururka MAP Faysal Khaliif Bare ayaa sheegay in dowladdu soo dhaaftay xadkeeda ayna ku tumatay dastuurka dalka u yaalla, wuxuuna yiri maruu ka hadlayey “Waawareey, waawareey, way soo dhaaftay sheekada maanta ka jirta Puntland mid la dhagaysan karo ama la maqli karo ama loo dul qaadan karo, guud waxay maraysaa xaaladdu inaan qof codkiisa iyo xoriyadiisa ku hadlaa uusan jirin,”
Guddoomiyaha Ururka MAP ayaa sidoo cambareeyey xariga wariye Jaamac Deperani, isagoo sheegay inuusan lahayn wax dambi ah.
Xariga Wariye Jamac Deparani ayaa salka ku haya waraysi uu la yeeshay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadlay arrimo ku saabsan Somalia iyo ka qayb galayaashii Shirkii wadatashiga ee ahaa Puntland 600 qof uuna isagoo Madaxtooyadii Puntland dhex fadhiya yiri waa waxba kama jiraan, waxaana u tirinayaa 150ka Cadaado oo kale!!!!
Dhagayso Guddoomiyaha MAP
Puntlandes.com