MAQAAL: Canshuurta laga qaado badeecadaha ee (VAT), sida loo qaado iyo cidda bixisa
Sida aynu lawada socono waxaa jira canshuuraad kala duwan oo ay dawladi qaado. Mid kamida kuwa ugu muhiimsan cashuurahaas waa tan laga qaado bedeecadaha dadku isticmaalo, taas oo afka qalaad lagu yiraahdo, VAT= Value Added Tax. Canshuurtaasi waa tan ugu muhiimsan ee ay qaadaan waddamada hore umaray ee dunidaan aynu ku noolnahay.
Hadaba, marka la eego Waddamada dunida sadexaad ee ay Soomaaliya ka midka tahay, waxaa ka jira dhibaato farabadan, qaadisteeda ama lamaba qaado. Hadiiba la qaado waxaa had iyo jeer su´aali ka taagantahay sida loo qaado Canshuurtaas iyo cidda bixisa intaba.
Inagoo ka duulayna arrintaas baan waxaan iskudeyeynaa in aynu wax ka iftiimino waxa ay tahay Canshuurta badeecadaha ee VAT looyaqaan iyo cidda sida dhabta ah u bixisa.
Maxay tahay Canshuurta VAT (Value Added Tax)?
Micnaha marka la eego waa Canshuur laga qaado Isticmaalka shayga (consumption tax ).
Laakiin hadaynu magaca oo kaliya eegno wuxuu salka ku hayaa, waxsoosaar! oo meeshaas, waxaa ka muuqata shaqo la qabtay. Taas oo muujinaysa in ay tahay canshuurta, qiimaha ku kordhay shayga, marka bedelaad ku timaado shayga asalkiisa.
Maxaa loola jeedaa?
Matelen waxaad tahay farsamo yaqaan ka ganacsada xirfaddiisa. Waxaad soo iibsatey Alwaax jooga 50 shilin. Alwaaxii waxaad ka samaysay Kursi, markaas baad rabtaa in aad ku iibiso Kursigii 200 oo shilin. Canshuurtu waxay ku waajibeysaa oo keliya 150 shilin, qiimaha fuulay Alwaaxii, beddelaada dabadeed. Qiimahaas oo ah, shaqada kaa gashay iyo faa´iidada kuu saran. Kii Alwaaxa laga iibsadey wuxuu canshuurtaas ka bixinayaa 50ka shilin, inta, marka hore ka jaro kharashka isaga uga baxay Alwaaxa.
Yaa bixiya?
Waxaan kor, kusoo xusnay in uu bixiyo isticmaalaha shayga. Hadduu cunto yahay, waxaa bixinaya qofka cunaya, haduu Mobile yahay, qofka iska leh oo isticmaala, hadduu Gaari yahay, qofka soo iibsada oo isagu leh.
Dadkaas bixiyaha ah, waxaa iyaga ka qaadaya ganacsadaha isagoo canshuurta saaraya shayga marka uu iibanayo. Ogow in uu ganacsaduhu isagu dawladda u sii qadimey, markuu soo iibsanayey, input/output tax.
Si aynu u fahano arrintaas waxaan, sooqaadanaynaa labo eray oo loo isticmaalo qiimaha. Kuwaas oo ah Gross price iyo Net Price.
Gross = Macaa manshuur, Net = Bilaa canshuur
Aynu ku noqono Alwaaxii iyo Kursigii. Qiimaha Alwaaxu wuxuu Ahaa Gross( Macaa Canshuur) qiimaha Kursiguna wuxuu ahaa Net (Bilaa Canshuur). Hadaan niraahno Canshuurtu waa 20% waxaa loo xisaabin sidatan.
Net | VAT | Gross | |
Alwaax | 40,00 SOS | 10,00 SOS | 50,00 SOS |
Canshuurtu waxay Saarantahay qiimaha uu Farsamo yaqaanku bixiyey. Horena waxaa Dawladda usii siiyey Alwaax laha.
Wali canshuurtii waa 20% Farsamo yaqaanku wuxuu hadda iibinayaa Kursi. Kursigu wuxuu ka kooban yahay Alwaaxii la isticmaalay oo hore, canshuurta looga dhiibey, shaqadii la geliyey oo qiime gooni ah leh iyo faa´ iidadii la dulsaartayba. Inta kale qiimaha Canshuur baa ku waajibtey marka laga reebo Alwaaxa qiimihiisa. Waxaa loo xisaabinayaa sidatan.
Net | VAT | Gross | ||
Kursi | 200,00 SOS | 30,00 SOS | 230,00 SOS |
Qiimaha Kursigu wuxuu ahaa 200 laakiin qofka gadanayaa wuxuu bixin Canshuur marka wuxuu dhiibayaa 230 shilin, Canshuurtaas oo farayaamooluhu uu hore u siiyey dawladda.
Soomaaliya ma la qaadaa, seebaase loo qaadaa?
Inta badan waxaa la arkaa iyadoo ganacsato iyo dawladdu inta shiraan, leh, waxaan ka doodeynaa canshuurta bedeecadda VAT. Waxaa kale oo la arkaa ganacsato cabanaysa oo leh, waxaa nalaku kordhiyey Canshuurtii. Waxaa la arkaa iyagoo leh waxaan badeecaddayada ula wareegaynaa “Dekado kale”!. Shacabka isticmaalka canshuurta ku bixiyaa iyaga marna, hadal lagama maqlo. Umana qabaan in si kasta haloo qaadee ay iyagu bixiyaan.
Hadaba Maxaa khaldan?
Maadaama aanu jirin “accounting system” iyo diiwaan galin rasmi ah, iyo waliba aqoon ku saabsan canshuuraha iyo qaabka loo qaado, waxay keentay min Dawalad, ganacsade ilaa shacab (Isticmaale) in ayba khalad ka fahansanyihiin Canshuurtaas.
Waxaa la isku khaldaa, Canshuurta kastamka, (customs Tax) iyo tan Badeecadda VAT.
Canshuurta kastamka, waddamada hore umaray wayba ka maarmeen. Tusaale Europe oo dhan canshuurtaas lama qaado oo waa “Customs free”, Xuduudaba lama kontroolo. Inta badan waddamada caalamkana waxay la leeyihiin, is afgarad ku saabsan ganacsiga xor ah (Free Trade Agreements). Wax kasta oo ay u beec-geynayaan waddan kale oo ay leeyihiin is afgaradkaas, Canshuur lagama qaado marka ay badeecaddu geleyso, iyana sidoo kale. Badeecadda soo galeysa iyo kuwa ka baxaya waddan Europe ah, waxaa lagu ogaadaa, statistics ahaan, waa labo siyaabood. Oo kala ah “interstate reporting” lagu cadaynayo warqadda wax kala iibsiga ganacsadeha iyo isticmaalaha (Europe dhexdeeda).
Taasi waxay khasbaysaa in uu qofku iskiis u diiwaan geliyo,meesha uu ka iibiyey, si uusan u bixin labo (2) Canshuur oo ah tan waddanka uu joogo iyo kan uu ka iibiyey.
Tankalena waxaa lagu diiwaan geliyaa xuduudaha Europe iyo Dekedaha iyagoo isticmaalaya 12000 oo kood badeecadeed ah (product codes).
Marka inaga Canshuurta kastamka baa loo qabaa tan badeecadda, waxaana canshuurtaas lagu qaadaa xudduuda oo kaliya.
Middaas baa keeneysa in ay ganacsatada wax dhoofisaa iyo tan soo dejisaa ay isu arkaan in ay iyaga kaliyihi ay yihiin canshuur bixiyeyaal Iyagoo waliba hadhow saara kuligeed Isticmaalaha.
Waxaa kale oo jirta in qolo layiraahdo Minishiibiyo ay subax kasta suuqa ka uruuriyaan wax aanan anigu aqoon u lahayn oo laakiin lagu sheego Canshuur. Marka gelimeyno taas, Canshuurtaas oo waliba aan Xaq ahayn, sababtoo ah waxaa isku in laga qaadaa kii miisad yaanyo ah haystey iyo kii uu dukaanku u buuxay.
VAT waa Caddaalad sababtoo ah waxaa “rate” % isku mid ah laga qaadayaa qiimaha badeecadda, 100, kii waxa laga jarin 20, 1000,kii waxaa laga jarin 200. Waxaana habboon in ay Soomaalidu bedelaan qaabka ay hadda wax u qaadaan oo u bedelaan sidaan. Barashada iyo helidda diiwaan sax ah waxay qaadanaysaa wakhti, laakiin iyadaa markasta uga dakhli badnaan lahayd tan Xudduuda oo caalamku ka guurey.
W/Q Maxamed Saliid
Puntlandes.com