Maqaal: Garaacista Caruurta iyo Saamaynta ay ku leedahay Waxbarashadooda

157baGaraacista Caruurta Lagaaracayo ayaa ah wax ka jira wadamadda Qaar, gaar ahaan wadamadda Saboolka ah,Dadka Soomaaliyeed oo leh Dhaqan wanaagsan oo soo jireen ah, ayaa xilaggay Caruurtu yaryaryihin wax yaabaha ay aaminsanyihiin in  Caruurta lagu edbiyo ayaa ah, in lagaaraco ama lagu ilaaliyo Usha iyadoo ujeedaduna tahay in kor loo qaado Edebtooda iyo Anshaxooda.

Saamaynta ugu way nee garacista Caruurta ayaa ah in ay ka tagaan Waxbarasha ama ay colaad iyo calool xumo u qaado Bulshadda uu ku dhex noolyahay, taasna wa tan sababtay in Arday walba markuu Macalin Noqdo usha Uu uqaato.

Garacista macalinku uu garayo Ardaga ayaa mararka qaar waxay sababta in Ardaygu uu cabsi uu ka qabo ciqabta macalinka uu casharka u soo Xafido Balse taasi Uma Noqonayso Mustaqbal iyo Waxbarasho anfacda, Waana tan sababtay in Ardaygu markuu Waxbarashada dhameeyo uu dib u fiirin waayo.

In Macalinku uu muujiyo Saaxiibtimo Dheerada waxay kaalin Wayn ka qaadaynaysaa Waxbarasda Ardayga iyo Mustaqbalkisa, iyo Kalsoonida Ardaygu ka helayo Macalinkiisa,taasna waxay sababta in wax walba oo naftiisa khuseeya ama la soo wajahda uu u sheegan karo.

Goobaha waxbarashada in lagu soo daro Goobo ciyaareed,Farshaxano iyo Xirfadaha kala Duwan ee Nolosha waxay kaalin wayn ka qaadaynasaa Horumarinta Ardayga, iyo in ardaygu isagoo Heerka waxbarasho maraya uu aqoonsado xirfadda uu yaqaan si uu usii xoojiyo Xirfadiisa.

Mararaka qaar waxa dhacda in Ardaygu uu ku dhaco Waxbarashadiisa ama uu dhibco Hoose keeno, taas micnaheedu ma,ahan inardaygu inuu yahay Damiin.

Balse waxaa Xusid Mudan in ardaygu markuu saas oo kale yahay uu haysto ama Yaqaan xirfad kamida xirfadaha Nolosha loona Baahanyahay in uu sii xoojiyo.

Waxaa dhacda Macalimiinta iyo waalidkuba inay Fiiriyaan dhibcaha uu keenay iyo Boqolkiiba intee Buu haystaa, taasna Waalidka Loogama Maahna.

Inkastoo Dadka Badankood ay Aaminsanyihiin in Ardayga Lagaraaco ama loo handado, oo lagu handado Waa lagu garaacaya ama waa lagu ciqaabaya waxay keenaysaa in uu Cuqdad Qaado Ardaygu.

Farxad iyo Qosol Loo Muujiyo Ardayga waxay Keenaysay in Ardaygu Waxbarashadiisa uu sii wato,Noqdana mid Garab ka haysta Dadka Uu ku dhex Noolyahay.

W/Q:- Wariye Siciid Mahad Maxamed

Puntlandes.com

About The Author