Xogta & Faahfaahinta Puntlandes.com ee dagaalkii maanta ee Gaalkacyo
22 Nov 2015 (Puntlandes) Dagaalkii maanta ay ku soo qaadeen Ciidamada maamulka Galmudug ee ay DFS taageerto shacab dhisayey Wado Laami ah, iyagoo adeegsanayey Hubka culculus ayey waxay kala kulmeen iska Caabin Ciidanka dawlada hoose iyo shacab u badan Ganacsatada Qaadka.
Xog ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa ku waramaysa in markii hore ay Ciidamada Dawladda Hoose ay dib u riixeen Malayshiyada weerarka kasoo qaaday dhanka Galmudug, laakiin wax yar ka dib waxay lasoo baxeen Malayshiyada Galmudug car car kadib markii ay heleen gurmad wata laba qori oo waawayn oo kala ahaa Qori ZUU ah iyo Qori 37 iyo waliba Mootaro iyagoo ay u suurto gashay inay dib usoo riixaaan Ciidamadii Dawladda Hoose ee Gaalkacyo, waxaana lagala haray laba askari oo ka tirsanaa Ciidama Dawladda Hoose oo dhaawac ahaa.
Intaas kadib waxaa dagaalka soo galay dad u badan Ganacsatada Qaadka ee magaalada iyagoo garab siiyey Ciidamada Dawladda Hoose ee markaas loo soo Xoog sheegtay. Waxay intaas dabadeed ka saareen meelihii ay soo qabsadeen Malaysiyada maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee Galmudug, caawana waxay ku sugan yihiin meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo oo baadiyaha dhanka Koonfureed ah halkaasoo ay Difaac uga jiraan.
Waxaa xusid mudan in dhalinyaro u adkaysan waayey waxa ka socda Gaalkacyo ay kala soo baxeen Ciidamada fariisinka ku lahaa Tuulada Godod laba Qori oo Zuu kuwaa soo sabab u ahaa inay Maamulka Galmudug joojiyaan Madaafiicdii ay ku garaacayeen Dadka maatida ah.
Xasuuqii maanta Gaalkacyo loogu gaystay dadka Shacabka ah
Qoryo lala fuulay Guryaha dushooda iyo Madaafiic ayaa maanta lagu xasuuqay Shacabka reer Gaalkaco, ilaa hadda Xogta ay helayso Warbaahinta Puntlandes waxaa Madaafiic ku habsatay:
- Guri uu ku dhacay Madfac Galmudug: waxaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray afar caruur ah iyo Hooyadood.
- Guri uu ku dhacay Madfac Galmudug: waxaa dhaawac uu kasoo gaaray sadex Haween ah.
- Dugsi Qur’aan oo uu ku dhacay Madfac Galmudug: waxaa dhaawac uu kasoo gaaray sadex caruur ah oo Dugsiga dhiganayey.
- Waxaa iyana aad u badan Dadka Shacabka ah ee Rasaasta ay Malaysiyada maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee Galmudug ka ridayeen Guryaha Dushooda ay wax yeelaysay.
Sidee ayuu ku bilowday Dagaalku?
Dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ku hawlanayd dhisme wado Laami ah oo ka baxda Xaafadda Garsoor gashana Laamiga Xamar aada, waxaana wadadaas dhismaheeda ka hor yimid gaar ahaan 130ka mitir ee ugu dambeeya maamulka ka arimiya Xaafada Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ilo Xog ogaal ah oo u dhuun daloola go’aamada Golaha Degaanka Kaalkacyo u sheegeen inaysan Gollaha Degaanka aysan wax war ah ka hayn ku dhaqaaqidii saaka uu Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal amarka ku bixiyey in wadada la fuliyo.
Guddoomoyaha egmada Cabdicasiis Jaamac Nugaal ayaa lahaa amarka fulinta wadada ee maanta.
Meeye Doorkii Ciidanka Canshuurta ummadda ku qaata Difaaca Gaalkacyo?
Waxaa jira Ciidan Warqad ahaan tiro aad u fara badan ah, laakiin ah Ciidan Mushaar uun Rag ku qaataan ah, haystana Hubkii ummadda lagu difaaci lahaa una badan Koox isku beel ah oo lagu magacaa KOOXDA GAADAYAYE maxaa yeelay waxaa madax u ah mr Gaadaye, Ciidankaasi wuxuu saldhig ku leeyahay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, Tuulada Godod iyo Xeradii Ciidanka Xooga ee Siinaay oo ku dhex taala magaalada Gaalkacyo, waxaa kaloo magaalada ku sugan Ciidan lagu magacaabo Ciidanka Birmadka ee Gobolka, dhamaan Ciidamadaaas kala duwan maanta kama aysan qayb qaadan dagaalkii lagu Xasuuqay Shacabka Gaalkacyood iyagoo dano gaar ahaaneed eeganaya isna leh waxaad ku Xumaynaysaan Madaxweyne Gaas.
Waxaana sababta ay ku dhacday inay maamulka Galmudug u gaystaan Shacabka Gaalkacyood maanta khasaare aad uga fara badan kii iyaga loo gaystay maxaa yeelay waxay dadka ku xasuuqeen Madaafiic kuwii Canshuurta laga qaado reer Gaalkacyoodna Mushahaarka u qaadanayeyna way diideen inay Difaacaan Shacabka ileen soomaalidu waxay tiraahdaa ”Qaniinyaa Qaniinyo kaa fujisee”, waana taas sababta uu Dhaawaca shacabku uu kor u dhaafayo 43 qof.
Xaalada Caawa ee Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo Caawa waa degen tahay waxaana ka jira Abaabul Ciidan oo aad u balaaran iyo Gurmadyo soo gaaraya labada dhanba, wax waan waan ah oo socotana ma jirto.
Difaaca Gaalkacyo & ka shaqaynta nabada
Madaafiicdii maanta maamulka Galmudug uu shacabka reer Gaalkacyood ku garaacay ma aysan kala aqoon Reer Gaalkacyood oo cid gooni ah ma aysan ku dhicin, ee dadka waa sinaa.
Waa qasab dhamaan shacabka reer Gaalkacyood ee Puntland inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo inay si siman uga qayb qaataan Difaaca magaalada Gaalkacyo.
Ka shaqaynta nabada iyo haday fursan waydo sidii maanta in la is Difaaco waa in dhamaan Shacabka iyo dawladuba si siman uga qayb qaataan.
Puntlandes.com