Dhageyso: Xafiiska wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ee gobolka Mudug ”..hal Askari oo Daraawiish & Boolis ah Dagaalka ma gelin shalay…”
23 Nov 2015 (Puntlandes) Isku duwaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee Gobolka Mudug Cabdinaasir Badal Qalaf oo maanta Saxaafadda la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dagaalkii shalay ee ay malayshiyo kasoo jeeda maamulka ay DFS taageerto ee Galmadug kusoo qaaday shaqaale samaynayey Wado Laami ah, wuxuuna Cabdinaasir si cad u sheegay inaysan Ciidamadda kala duwan ee Puntland aysan hal xabo ridin shalay.
Cabdinaasir ayaa yiri maruu ka hadlayey arinkaas ”..Hal Askarei oo daraawiish ah dagaalka ma gelin, Bilaysna ma gelin, Ciidankii Dawladda hoose oo dhawr nin ah bay la dagaalameen” Warbaaginta Puntlandes ayaa isla Shalay qortay inaysan ka qayb gelin dagaalkii shalay Ciidamadda kala duwan ee Puntland ee Gaalkacyo iyo agagaarkeeda Fadhigoodu yahay, iyagoo daawanayey Shacabkii Hoobiyayaasha lagu Xasuuqayey, halkaan ka akhriso Warbixin ay Warbaaginta Puntlandes qortay. Waxaa wax la iswaydiiyo ah maxay tajhay shaqada Ciidamadan qaata Shacabka Canshuurtooda? Yey ka amr qaataan?….
Cabdinaasir ayaa ugu baaqay shacabka Puntland ee Gaalkacyo inay isdajiyaan oo aysan sameynin wax qaxitaan ah.
Dhageyso
Puntlandes.com