DEG DEG: JAM JADIID oo diiday in Gaalkacyo lagu Heshiiyo & wararkii ugu dambeeyey ee caawa
25 Nov 2015 (Puntlandes) Kadib markii maanta Wadahadaladii maanta ay hor istaageen in lagu heshiiyo maamulka Galmudug ee ay maamusho Kooxda DAMUL JADIID, ayaa waxaa Caawo ka jira magaalada Gaalkacyo jawi colaadeed iyadoo ay dadka shacabka ah ay ka qaxayaan magaalada.
Burburka ku yimid waanwaantii la waday ayaa waxaa mas’uuliyadeeda qaadanaya Kooxda DAMUL JADIID oo doonaysa inay Colaad ka huriyaan Gobolka Mudug, kadibna ay waqtiga u kordhiyaan Xasan Sheekh oo wax yar ay uga harsan tahay xilka inta uu hayn lahaa.
Odayaashii iyo Ganacsatadii wada hadala ka qayb galay ee kasoo jeeday dhanka Galmudug ayaa sheegay in Maamulkooda Galmudug uu diiday inuu garowsado weerarkii Maleeshiyaadka Xaafadda Baraxleey kasoo jeeday ay Axaddii ku qaadeen dhismaha wado Laami ah oo dawladda Puntland ay ka dhisayso Xaafadda Garsoor gaar ahaan kaantaroolka Koonfureed.
Isku soo wada duuboo Xaalka Gaalkacyo Caawa waa goormay Xabadu bilaaban iyadoo Colaadani ay tahay mid wax badan ay kasoo shaqaynaysay Kooxda DAMUL JADIID e eka talisa Villa Somalia
Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes