Al Shabaab oo la wareegtay Degmada Hobyo

26 Nov 2015 (Puntlandes) Kooxda Al Shabaab ayaa saaka la wareegtay gacan ku haynta Degmada Hobyo oo markii hore uu gacanta ku hayey maamulka ay DFS taageerto ee aan Dastuurkii lagu heshiiyey waafaqsanayn ee Galmudug.

Kooxda Al Shabaab ayaa la wareegtay Hobyo iyadoon Wax iska caabin ah aysan ka dhicin, kadib markii Malayshiyadii difaacaysay Hobyo laga soo qaaday oo la geeyey Xaafada BARAXLEEY ee koonfurta Gaalkacyo halkaasoo ay Kooxda DAMUL JADIID ay ka abaabulayso colaad dadka dega koonfurta Mudug iyo Puntland dhex marta.

169

Qabsashada Al Shabaab ee Hobyo ayaa la oran karaa wadashaqay Xasan Sheekh iyo kooxdaas.

About The Author