Sawiro: RW Sharmarke oo Xamar dib ugu laabtay kadib Safarkiisii Shalay uu kuyimi Puntland
28 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntlad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 28-Nov-2015 kusii sagootiyey Gegida Diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo.
Weftiga ayaa ku laabtay magaalada muqdisho halkaas oo ay markii horebe kasoo kicitmeen kadib markii ay Garoowe u yimaadeen xal u raadinta shaqaaqooyinka kasoo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka iyo sidii dib guryohoodii loogu celin lahaa dadkii kasoo barakacay shaqooyinkaasi.
Ra’iisul-wasaare Sharma’arke ayaa koox xaqiiqo raadin ah oo weftigiisa kamid ah u diray magaalada Gaalkacyo si’ay usoo ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee kajirta magaalada Gaalkacyo e Xarunta Gobolka Mudug.
Kooxdan xaqiiqo raadinta ah ee uu diray RW Sharmaarke ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka iyo wasiiro dawlayaal.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u sheegay Ra’iisul-wasaaraha iyo Weftigiisaba Dhammaanba in ay Puntland marwalba diyaar u tahay inay nabad iyo deris wanaag kula noolaato ummadda Soomaaliyeed balse aanay marnaba gor-gortan kageleyn una dulqaadaneyn wixii wax udhimaya jirtaanka Puntland.