Sawiro: Culimo Ka Kala Timid Gobolada Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saaray Colaada Galkacyo
29 Nov 2015 (Puntlandes) Qaar kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolada Puntland, Soomaaliland iyo magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa kahadlay colaada ka aloosan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Culimaa’udiinka ayaa sheegay in dhammaan colaadu ay tahay mid xaaraan ah aana loobaahnayn waxaana ay dhammaan dhinacyada ku lugleh colaadaasi ugu baaqeen inay nabadda qaataan una midoobaan cadowgooda iyo muhiimadda nabadda.
Culimada ayaa ammaanay doorka ay dowladda Puntland ka ciyaartay xalaadda Galkacyo, waxaana ay sheegeen in madaxweynaha dowladda Puntland uu ka aqbalay codsigoodii ahaa inuusan dagaalku siisocon ee ciidamada dowladda Puntland ay joojiyaan wax kasta oo dagaalka sii wadi kara.