FAAHFAAHIN: Xaaladda Gaakacyo dagaalkii shalay ka dib

29 Nov 2015 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo oo uu shalay, sabti 28 nov, ka dhacay dagaal Waqti badan socday ayaa maanta oo Axadda ah ilaa iyo iminka oo ay saacadu tahay 12 kii duhurnimo waa ay degen tahay, mana jiraan wax iska hor imaad ah oo ka dhacay maanta magaalada Gaalkacyo.

159b2

Ciidamada Puntland ayaa waxay ku sugan yihiin iminka goobahoodi caadiga ahaa ee ay horey u fadhiyeen inta aan dagaalku dhicin.

Ciidamada Puntland ma jirto goobo cusub ama fariisimo cusub oo ay ka samaysteen gudaha xaafadda Baraxley ee Koonfurta magaalada Gaalakcyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Halka ay dhanka kale wararka ay hekayso Warbaahinta Puntlandes ay sheegayaan in Malayshiyada Galmudug ee shalay laga saarey magaalada ay dib ugu laabteen dhanka Xaafada Baraxleet iyo fariiisimihii ay dagaalka ka hor joogeen.

Wafdiga DFS ee Gaaray Gaalkacyo

Wafdi ka socda DFS ah oo ah guddi lagu sheegay inuu magacaabey Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid laakiin ah Kooxda DAMUL  JADIID ayaa fiidnimadii xalay soo gaarey magaalada Gaalkacyo.

Wefdiga Kooxda DAMUL  JADIID ayaa waxaa hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odowaa ayna ka mid yihiin Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Mahad maxamed salaad ayaa waxay ku sugan yihiin iminka gudaha xaafadda Baraxleey.

Wariir Odowaa iyo Wasiir Mahad ayaa waxay shacabka reer Puntland ku xusuustaan kaalintii ay ka qaateen isku daygii lagu doonayey in lagu Boobo Gobolka Mudug ee Puntland iyagoo si cad u sheegay inay si Qasab ah ugu daridoonaan Gobolka Galgaduud si ay Tolkood u helaam Maamul Goboleed oo Sharuuda Dastuurku sheegayo ay tahay in ay Maamul Goboleed noqon kartaan laba Gobol iyo wixii ka badan, halka ay Kooxda DAMUL  JADIID haysatay Gobol iyo bar.

Dagaalka Gaalkcyo na wuxuu ku saabsan yahay Damaca Kooxda DAMUL  JADIID,  ee soo dirsatay Odowaa iyo Mahad, ay ku doonayaan inay ku BOOBAAN Gobolka Mudug. Waxaana Shalay ka qayb qaatay Dagaalkii Gaalkacyo Ciidan lagu soo tababaray magaalada Xamar oo ay DFS leedahay.

Wixii war ah ee kusoo kordha Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

 

About The Author