Dhagayso: Fadeexad- Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Gaas ku qasbay inuu Beeniyo warkii uu ka sheegay Dhaawicii Gaalkayo ee Xamar
11 Dec 2015 (Puntlandes) Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cawke ayaa sakaa waxa uu booqday Dhaawicii reer Puntland ee Gaalkacyo laga keenay kuna dayacnaa Cisbitaalka Digfeer. Wasiirka ayaa cadeeyey in uusan ahayd Cisbitaalka Digfeer sidii ay markii hore u haysteen ayna u cadeeyey maamulka Cisbitaalka inaan Dhaawacan badankooda waxba aysan u qaban Karin, ayna haboon tahay inay meel kale u wareejiyaan dhaawaca.
Dhagayso warka uu bixiyey wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cawke
Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cawke ayaa waxaa Kooxda DAMUL JADIID oo taageero ka helaya madaxweynaha Puntland ay ku qasbeen saaacfdao kadib inuu intuu ku noqdo Cisbitaalka Digfeer uu beeniyo warkii uu markii hore sheegay. Wasiir Cawke ayaa sicad u cadeeyey inay mar llabaad maanta u tagay ina beeninayo warkii uu isagu laftiisu sheegay
Wasiirka oo saaka Sheegay inuusan ahayn Cisbitaalka Digfeer sidii ay u haysteen ayaa Galabta waxaa lagu qasbay inuu yiraahdo ”waa Cisbitaalka ugu fiican dalka”
Dhagayso Wasiir Cawke oo lagu qasbay inuu beeniyo hadalkiisii hore
Waxaa xusid mudan inay Wasiiradda caafimaadka DFS Xaawo Xasan Maxamed Xaawo Xasan Maxamed ay dhinac taagnayd markuu Wasiirka Caafimaadka Puntland beeninayey warkii uu saaka sheegay.
Waxaa madaxweyne GAAS ceeb ku ah sidii u dhaqmayo isagoo dayacay shacabkii ku aaminay MASIIRKOODA kuna ciyaaray Sharaftooda iyo dawladoodii oo uu ka dhigauy Tool ay isticmaasho Kooxda ka talisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID.
GAAS oo inta uu madaxweynaha ka ahaa Puntland ay 2 sano uga dhiman Tahay bil wax ka yar ayaa waxa uu Dawladdii awooda lahayd ee Puntland ka dhigay meel aan jirin….
Dhagayso Waxa ay kiu hadlayso Wasiirada Caafimaadka DFS
Wasiirada Caafimaadka DFS ayaa waxaa loo soo diray inay warka Xaqiiqda ka fog ku taageerto wasiirka Caafimaadka Puntland, wuxuuna hadalkeedu u muuqday mid laga fahmayo inuusan Xaqiiqda ku saabsanayn.
Puntlandes.com