DHAGEYSO: Nicholas Kay oo sidii Xasan Culusoow u hadlay “Mudug iyo Galgaduud ma qusayso Puntland”

0

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo waraysi siiyey Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay wixii loogu yeerayey Heshiiska ee Culusoow Xamar ka soo saaray in uu yahay mid aan muran gelinayn lahaanshaha dhuleed ee Puntland iyo weliba midnima Puntland.

Wuxuuna yiri Kay mar uu toos ula hadlayey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas in heshiiskaasi aanu dhaawacayn lahaanshaha dhuleed ee Puntland iyo midnimadeeda, wuxuu saameyn doonaa oo kaliya dhulka koonfurta Mudug ee horay qaybta uga ahaa maamulka Gal-mudug, waa arrin iska cad.

Danjire Kay ayaa sheegay inuu dhowaan booqan doono xaruunta Puntland ee magaalada Garoowe, si uu arrintan ugala hadlo madaxweynaha Puntland. Wuxuuna mr Kay xusay in uu rajada wanaagasan ka qabo in xaaladda sideedii hore uu Gaas ku soo celiyo.

Dr Gaas ayaa xiriirkii aan awalba sharciga waafaqsanayn ee uu la lahaa Culusoow u jaray dhamaadkii bishii july ee la soo dhaafay (31/7-2014) ka dib markii DFS ay ku tumatay dastuurkii dalka u yaalay.

Nicholas Kay ayaa ku celiyey intii uu Culusoow yiri markii uu shaacinayey heshiis ku sheega 30 kii julay 2014. Waxaana hadalkaasi u dhignaa sidatan: Saamaynmayso dowladani (Mudug iyo Galgaduud) dhulka Puntland iyo nabadgalyadeeda!!! Dhowr jeer oo kale oo uu waraysiyo bixiyeyna waa uu ku celiyey Culusoow.

Mar haddii ay yiraahdeen Dowladan waxaa loo dhisayaa Mudug iyo Galgaduud. Mar haday dhiseen wax ay ugu yeereen “Gudi” oo ay ku sheegeen in uu soo dhamaystirayo dowladaas. Mar haday Gudigaas ku darsadeen qabaa,ilo dega Puntland oo kaliya sida Majeerteen Carab Saalax, Leelkase iyo Dir oo yaa la siri karaa? oo yaa been lagu maaweelin karaa? Faaffaahim akhri: Gobolka Mudug: Xasan Culusoow oo shaaciyey wax uu ugu yeeray Gudi ka shaqaynaya dhisida Dowlada Gobolada Dhexe

Sida uu Dastuurka Federaalka ku cad waxaa Muumul goboleed noqon kara Laba Gobol iyo wixii ka badan oo si iskood ah isku raacay. Waxaa cad oo loo wada jeedaa in maamulkaan uusan buuxin sharuudaas. Culusoow ma waxay ku riyoodaan Oday Xaad iyo Avmed Diiriye ayuu inuu fuliyo isku dayayaa. Tasi socon mayso cid uu ku socodsiin karano ma jirto. Puntland iyo dadkeedu marnaba ma ogolaanayaan in Sharcigaas la jabiyo.

121

Quburada wax odorasa ayaa waxay aaminsan yihiin in hadalka ka soo yeeray Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu yahay mid uu kaga qafiifinayo culays lixaad leh oo haysta madaxweynaha Puntland Dr Gaas. Gaas ayaa iclaamiyey manta oo ah 15-08-2014  in shirwadatashi ay ugu yimaadaan Garowe caasimada Puntland dhamaan Xildhibaanada DFS ee ka soo jeeda Puntland.

Gabogabadii Kay ha ka keeno warqad cad oo uu Culusoow aduunka u sheegayo meesha ay xuduudeedu tahay maamulkuu dhisanayo iyo qabaa,ilada dega oo uu ka kooban yahay. Wixii intaa ka baxsan waa shimbirayahow heesa hees wanaagsan heesa…. Raadyo laga hadlo hadana warqadaha wax kale lagu qaro waa wax uusan qaadan Karin qof wax kala garanaya

 

Hoose ka dhageyso Kay

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *