XOG: Warbixin & Xaaladda ay ku sugan yihiin Dhaawacii Gaalkacyo ee Xamar la geeyey

21 Dec 2015 (Puntlandes) Waxaa magaalada Gaalkacyo laga soo qaaday, bishan dec bilowgeedii,  oo Xamar la geeyey 9 ka mida dhaawicii dagaalkii ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo dawladda Puntland iyo maamulka Galmudug, kuwaas oo ahaa kuwii ugu Cuslaa ama ugu liitay.

Warbaahinta Puntlandes oo ka shaqaysa in Xaqiiqdu banaanka timaado ayaa waxay samaysan Baaritaan ku saabsan Xaalada ay ku sugan yihiin Dhaawacaas, si ay ula socodsiiso Shacabka reer Puntland ayna ugu dhiirigeliso inay dawladda Puntland wax u qabato dhaawacaan oo xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato.

175

Dhaawicii Gaalkacyo ayaa dhamaantiis waxaa la geeyey Cisbitaalka Turkiga ee ex Digfeer, Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ogaatay in 4 ka mid ahaa dhaawacaas laga saaray Cisbitaalka iyadoo nin dib loogu celiyey magaalada Gaalkacyo halka sadex ka midana ay joogaan magaalada Xamar oo ay dawooyin ku qaataan. Sadexda mid ka mida waxa uu ahaa wariye waxayna xabadduu kaga dhacday sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes Xudunta agteeda iyadoo Xabadu ay dhex fadhido ayna Takhaatiirta Turkigu ka baqeen inay qalaan oo ka saaraan xabadda maadaama sida ay sheegeen ay Xidido Neerfayaal ah ay u dhowyihiin meesha ay Xabadu ku jirto.

Dhaawac aadka u liita

Warbaahinta Puntlandes ayaa ku ogaatay baaritaankeeda inay 5 ka mida Dhaawicii Gaalkacyo ay ku jiraan Cisbitaalka Turkiga ee ex Digfeer iyagoo aad iyo aad u liita xaaladooda Caafimaad ayna u baahan yihiin Gargaar caafimaad oo deg deg ah, waxayna kala yihiin Dhaawacu sidatan:

Labo ka mida Dhaawaca waxay xabaduhu kaga dhaceen Caloosha, mindhicirada iyo qaybta Taranka: Qaybo badan oo jirkooda ah ayaa dhaawac xun gaaray

Labo kale oo ka mida Dhaawaca waxay xabaduhu kaga dhaceen Madaxa: Ilaa iminka oo ay bishu tahay 21ka dec 2015 waxay ku jiraan Komma (way Suuxsan yihiin), xaalada labadaaan nin aad iyo aad bay u liidataa.

Hal nin waxay kaga dhacday Caloosha, labada Sambabna way sii martay, Qaarka dambana waa Barelaato, Xidido badana way jartay: Xaalada ninkan aad iyo aad bay u liidataa.

Cisbitaalka EX Digfeer waxba uma qaban karo Dhaawac aadka u liita

178b2

Sida ay u Xaqiijiyeen Warbaahinta Puntlandes dad xog ogaal ah waxba loogama qaban karo Cisbitaalka Turkiga ee ex Digfeer dhaawaca aadka u liita ee 5ta ah, khaasatan labada Kommada ku jirta ilaa iminka iyo ninka Qaarka dabe Barelaatada ka ah.

Sida ay XOGTA ku ogaatay Warbaahinta Puntlandes Awood uma laha Dhakhaatiirta ka hawlgasha Cisbitaalka Turkiga ee ex Digfeer inay Caawiyaan dhaawacan aadka u liita.

Dhaawacan ayaa magaalada Xamar ama Cisbitaalka Turkiga ee ex Digfeer ku sugnaa 15 cisho wax caawimaad ah oo ay ka heleen dawladda Puntland ama DFS na ma jirto, aan ka ahayn mar mar uu u yimaado Agaasime ka hawlgala xafiiska Raysul Wasaaraha DFS isagoo u sheega Qoyska dadka dhaawaca ah in la caawin doono.

Wax Dhaqaale ahna oo ay ka heleen dawladda Puntland ama DFS dadka dhaawaca ah ama qaar ka mida Qosaskooda oo la jooga Xamar ma jirto.

175a5

177

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in Ehelada dhaawaca ay u tageen madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas intii uu ku sugnaa Xamar iyagoo ka codsaday inuu dhaawaca soo booqda si uu u arko xaaladooda uuna ka balan qaaday laakiin uu usoo diray Wasiirkiisa Caafimaadka, kaasoo ku kacay dhaqan aan mas’uul ka suurtoobin kadib markii uu hadal uu saxaafada siiyey oo ku saabsanaa xaaladda dhaawaca uu saacado kadib beeniyey halkan ka dahagayso/akhri hadalka wasiirka.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in wasiirku u geeyey dhaawaca 100 doolar midkiiba kuna yiri waxaa idiin soo dhiibay madaxweyne Gaas, waana waxa kaliya ee kasoo gaaray dhaawaca dawladda Puntland sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Codsi ku socda dawladda Puntland

Waxaa kula sugan Xamar dhaawaca 5ta ha 5 qof oo eheladooda/Qoyskooda ah kiiba hal qof waxayna u sheegeen Eheladu Warbaahinta Puntlandes inaan loo ogolayn labada Kommada ku jirta iyo ninka Qaarka dambe Barelaatada yahay inay booqdaan, iyagoo Codsaday in loo ogolaado inay si Xor ah u booqan haraan ama ula joogi karaan.

Waxay kaloo Eheladu ka codsanayaan dawladda Puntland inay ka caawiso sidii dhaawacan loogu qaadi lahaa dalka dibadiisa maadaama aan Gudaha wax looga qaban karin.

RW Cumar oo dayacay dhawicii uu kasoo qaaday Gaalkacyo

159d7

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxay Ehelada dhaawucu dhanka Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka tirsanayaan dayac aad u xun iyo isagoon wax mas’uuliyad ah iska saarin dhaawacan uu Gurigoodii ka soo qaatay isagoo ujeedadiisa ay ahayd oo kaliya inuu ”SHOW” ku dhigo ee uusan awalba wax dan ama damqasho ah u hayn.

Puntlandes.com

 

About The Author