Oday Xaad oo dalbaday in Puntland na hubka laga dhigo ama la joojiyaa in Haawiye kaliya laga dhigo

0

Oday Xaad oo ka mid odoyaasha ugu tunka wayn Soomaaliya ayaa Dowlada Xasan Culusoow ka dalbay in ay Puntland iyo dhamaan wax uu ugu yeeray dalka oo dhan hubka ka dhigto haddii kale ay joojiso DFS qorshaha guracan ee ay rabto in ay Hawiye kaliya hubka uga dhigto.
“Qorshahan hubka dhigista ma aha qorshe Qaran ee waxaa wata intaan ognahay shaqsiyaad gaar ah oo dowlada ka tirsan, arintaan haddii ay sidan ku sii socotana cawaaqib xun ayaa ka dhalan kara” ayuu yiri Xaad oo farta ku fiiqaya meesha wax ka qaldan yihiin.
Wuxuu Oday Xaad amark u bixiyey “Hub ka dhigista waa iney noqotaa mid cadaalad ah oo dalka oo dhan hal mar ka wada bilaabata”

Sidoo kale Oday ayaa cadeeyey in aysan dalka ka dhicin dib u heshiisiin loona baahan yahay in did u heshiisiin la sameeyo wuxuuna yiri ”in hub ka dhigista ay ka horeyso dib u heshiisiin”
Oday Xaad iyo saaxiibkiis Axmed Diiriye waxay horey uga tiimbaraysteen Villa Xamar in ay boobaan Gobolka Mudug oo dhan

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *