Ugaas Cabdullaahi Ciise oo ka mid ah Isimada ugu miisaanka wayn Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn oo soo gaaray Caasimada Puntland

0

558Ugaas Cabdullaahi Ciise oo ka mid ah Isimada ugu Miisaanka wayn Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa saaka soo gaaray magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Waxaa Ugaaska soo dhawayntiisa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo hogaaminayay;Madaxweye ku xigeenka Puntland,waxgarad, Cuqaal iyo qaybaha Bulshada.

Ugaas Cabdullaahi ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Puntland,waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’. Waxaana kulan uga socdaa madaxweynaha iyo Ugaas Cabdullaahi Ciise,waxaana kulanka ka dib ay si wada jirnah ula hadlayaan bahda Warbaahinta.

Talaabada Ugaas Cabdullaahi uu kuso gaaray Puntland ayaa qayb ka ah dadaalka Dowlada Puntland ay ku doonayso inay wax ka qabato xaalada Gobolka Sool iyo Sanaag.
Dhowaan ayay ahayd markii Isimo iyo Siyaasiyiin kaso jeeda Beelweynata Gobolka Sool iyo Sanaag ay soo gaareen Garowe,

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *