Dowladda Federaalku Gobolka Mudug Ma Waxay ka Dhigteen Joker-kii Turubka?

0

Dhamadkii bishii Luuliyo 2014 ayey ahayd markii Dowladda federaalku ku soo bandhigtey Muqdisho qorshe loogu samaynaayo maamul goboleed gobolada dhexe, goobta lagu soo bandhigey waxaa goobjoog ku ahaa wakiilada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qorshahan ayaa marka afka laga sheegayo loogu dhawaaqaa maamul u samaynta Gobolada Dhexe oo Hiiraan laga reebey, halka warqadaha ay ku caddahay maamul u sameynta gobolada Mudug & Galguduud, waxaana loo sameeyey guddiyo farsamo oo dowladdu hormuud ka tahay.

Qoraal kooban oo warkaas Horseed Media ka sameysey ayaa qeexay in xasaasiyad badan uu huwan yahay qorshahan, iyada oo ay adagtahay in uu noqdo qorshe hirgela.

Dowladda Federaalka, Galmudug iyo cidkasta oo qorshahan la dhacsan waa ogyihiin in gobolka Mudug intiisa badan magaalooyinkiisa ay ka tirsan yihiin maamulka Puntland, maxaa marka keenay in Galguduud lagu daro iyada oo Hiiraana laga reebay.

Dowladda Federaalku waxay ku doodeysaa waan ognahay in Waqooyiga Mudug yahay Puntland oo dhamaanba Dowladihii kumeelgaarka ahaa ka horeeyey kuna qornaa Axdigii kumeelgarka ahaa, hadaba si loo waafajiyo Dastuurka federaalka ee ah maamul goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo ka badan ayaan u isticmaalney magaca Mudug halkii aan isticmaali lahayn gobol kala baran taas oo dastuurka ka hor imeenaysa!, mar mar xeeldaysigu waa banaan yahay!.

559

Aragtida Dowladda Federaalku waxba ma dhaanto kuwii baruurta laga xaareemeyey ee shiiley oo adkeeyey kadibna sheegay in aysan Baruur ahayn sidaasna ku iibiyeen ee lagu lacnadey, marka laga yimaado isticmaalka magaca Mudug miyaa saddex degmo oo Gaalkacyo ku jirtao ka mid noqonayaan maamulkaas, ama xuduudiisu noqoneysaa Burtinle? Gobolka Mudug ma noqonkaraa Joker marna buuxiya maamul goboleedka Bartamaha Soomaaliya, marna Puntland noqda?.

Aragti kale ayaa qabta in Dowladda Federaalku ku talo gashey in ay carqaladeyso maamulka Puntland, waxaana dadka ku doodayaa sheegayaan maxaa keeney Madaxweyne Xasan Shiikh in goobtii qorshahaas lagu soo bandhigey ka sheego “Puntland wel-welka ha iska saarto maamulkaani duullaan kuma aha” iyada oo aysan jirin markaas cid Puntland ka socotey oo ka hadashey, hadalka Madaxweyne Xasan Shiikh-na uu ahaa hordhac wax uu filaayo.

Dhibta jirta ayaa ah beelo kamid ah Beesha Hawiye ayaa qayb ka degan gobolka Mudug waxaa jirtey kala lahaansho dhul iyo xuduud dhaqan oo aan la isku farogelin jirin, waxaa jirtey dagaallo taariikh fog leh, waxaa cad in xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo oo kamid ah 10ka magaalo ee Soomaaliya ugu waaweeyn ay ka kooban tahay 4 xaafadood saddex kamid ah ay degan yihiin reer Puntland halka xaafadda Wadajir ama Baraxley ay degan tahay beesha la doonaayo in ay ka qayb-qaadato maamulka cusub ee Dowladdu ugu yeertey Mudug & Galguduud.

Waxaa dad badan doonayeen in ay arkaan in gobolka Hiiraan uu ka mid yahay maamulka Gobolada Dhexe maadaama uu xuddun u yahay gobolada Dhexe maxay tahay sababta looga reebay iyada oo beelaha dega Hiiraan qaarkod ay degaan Galguduud?, kadib markii la dhisey maamulka aan istaagin ee Koonfur Galbeed Shabeelada Hoosena ka mid noqotey ayaa Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud aragtey in Beesha Haweiye loo sameeyo hal maamul Goboleed Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe iyo mid ay aqlabiyadda leeyihiin Mudug & Galguduud iyada oo Caasimadduna tahay mid shacabka Soomaaliyeed u dhex ah laakiin ah aragti xaqiiqda ka fog.

Haddaba soojeed riyoodka ah Mudug iyo Galguduud ayaa maamul goboleed loo dhisaayaa waxaa ka toolmon, in Mudugta koonfureed oo ay ku jiraan Hobyo iyo Xarardheere la raaciyo Galguduud waxna laga beddelo xuduudii Mudug iyada oo loo maraayo si sharciga waafaqsan, sidaas si la mid ah Beelaha Daarood ee degmooyinka ka dega Galguduud xaq loo siiyo gobolkii ay doonaan in ay ku biiraan Mudugta cusub ee Puntland ama ay sii ahaadaan Galguduud. Ma ahan qorshe fiican in maamuladu xuduud beeeleed lagu saleeyo ee haddiiba Dowladdu garan weydey in Galmudugta nus-gobolka ka kooban ay Puntland raacin weydo maxaa u diidaya beelahaas kale ee Caabduwaaq iyo Balanballe in ay isirkooda doontaan?.

Qorshahan waxa uu dhalay in Beesha Mareexaan ee Galguduud ay ka hor-yimaadaan, in maamulka Ahlu-Sunnah ee isla gobolada Dhexe ay ka horyaamdaan iyaga oo diidan in Hiiraan & Galguduud la kala reebo, Dowladda Puntland waxyba u aragtey qorshahan mid ka hor imaanaya dastuurka isla markaana waxyeelo aan loo meeldayin loogu geystey dhulka Puntland, taas oo keentey in xiriirka ay u jarto Dowladda federaalka, u yeerato Xildhibaanada iyo xubintii dib u eegista Dastuurka waxaana halkaas ka hana qaadey qorshaha ah ” PUNTLAND HA ISKU TASHATO”.

Ugu danbeyntii haddii aan qorshahan loo gelin qaabka farsamo ee lagu turxaan bixinaayo, isla markaana aan laga qayb-gelin dhamaan dadka ay khuseyso, qorshaha maamul u Samaynta Mudug iyo Galguduud waa Shinbirayahow Heesa.


Xigasho: Horseed Media

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *