Waxaa la gaaray xiligii ay Puntland tashan lahayd kana tashan lahayd Xamar

0

Dadweynaha ku nool Puntland badankooda waxaa Xamar loogu gaystay 1991 kii dhibaato lixaad leh oon la soo koobi karin. Guryahoodii iyo hantidoodii waa la boobay oo ilaa hadeer rag baa dhexjiifa. Intii ka badbaaday ayaa qax ku tagay dalka hada loo yaqaan Puntland oo markii hore la oran jiray waqooyi bari Somaliya. Wixii Mudug na ka dhacay cidna kama dahsoona.

Iyadoo ay saas tahay ayey waxay samaysteen dowlad loogu wanqalay Puntland  sanadku markuu ahaa 1998. Waxaana ay aaminsanayeen midnimada Somaliyed ee dhuleed iyo dadeed in ay muqadas tahay, waxayna goosteen in ay sugaan dadkii Xamar ku hadsaday oo ka soo barakiciyey magaaladii ummadda Somaliyed caasimada u ahayd.

Puntland waxay jirsatay 16 sano 1 dii Agoosto 2014, ilaa 1991 kii ilaa iyo iminka Puntland iyo shacabkeedu waxay ku jiraan difaac aan kala joogsi lahayn maxaa yeelay waxaa ku socday weerar har iyo habeen ah oo kaga imaanayey dadkii Xamar boobay.

Xeerada salkeeda

 

Waxaa sida qoraxda u muuqda oo aan la inkiri karin in aan lagu jiri karin difaac joogto, maxaa yeelay weerar kugu socda har iyo habeen. Maxaa Puntland wareershay? Maxaa Puntland daba dhigay Oday Xaad iyo Axmed Diiriye? Maxaa Puntland oo banaan arkaysa aynu ugu wadnaa wadada aan la marikarin? Maxaa Puntland u diiday in ay riyada ka baxdo runtana wajahdo?

Xalka kaliya ee yaal

Waxaa sida Dayaxa u ifaya oo loo wado jeedaa in la gaaray waqtigii ay Puntland isku tahan lahayd kana tashan lahayd madaxwareerka Xamar yaal. Go,aan qaadasha wacani waa marka ay runtu kuu soo baxdo in aad wajahdid.

Intii yarayd ee wali rajada ka qabtay Xamar waxaa hada quusiyey markii ay arkeen Gobolkii dhamaa ee Mudug oo ay qolyihii Xamar dhacay rabaan in ay isna dhacaan har cad oo loo wado jeedo. Berina Garowe ayaa xigta kuwani fariisan mayaan, daalina mayaan ee maxaa idiin dan ah reer Puntlandoow. Ma difaac iyo qaydaal ku jirin mise waad isdejin oo waad ka tashay ..

 

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *