Dhageyso-Sawiro: Madaxweynaha Gaas oo madaxtooyada ku qaabilay wajigii saddexaad xildhibaano katirsan DFS oo soo gaaray Garoowe.

0

Garowe (Pes): Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Gaas ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi xildhibaano ah oo katirsan barlamaanka DFS ta Xasan Culusoow kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

 

Dr Gaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ajiibaada xildhibaada si buu yiri ay uga qeyb galaan wadatashiga ay ka yeelaandoonaan maslaxada Puntland iyo midnimada Soomaaliya.

 

Xildhibaanadaan oo ah wajigii saddexaad ee yimaada Puntland ayaa  saakay waxay kasoo ambo baxeen magaalada Nayrobi ee xarunta Kenya.

 

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Puntland soo gaaraan oo ay ka qeyb galaan wadatashiga dowladdu ugu baaqday xubnaha uga jira DFS.

Xildhibaanada ayaa sheegay Puntland inay tahay halkii laga soo doortay oo laga maamulo. Iyagoo cadeeyay inay soo dhaweynayaan go’aanka kasta oo Puntland kasoo baxa.

 

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay  inay xildhibaadu yihiin kuwii Puntland u malatalayay.DFS. isagoo sheegay inay dhawaan rajeynayanaan inay soo saaraan go’aamo ku saabsan jiritaanka Puntland iyo siyaasadooda la xiriirta Soomaaliya.

 

Hoos ka dhageyso madaxweynaha iyo xildhibaanada.

 

Hooska daawo sawirada

561

562

563

564

565

566

 

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *