Dhagayso: Madaxweyne Gaas “Puntland ma aqbalin 4.5”

20 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyey Idaacadda VOA ayaa si adag u beneiyey inay Puntland aqbashay Habka Qabaliga ah ee 4.5, isagoo shegayna inuusan burburin shirki dhowaan lagu yeeshay magaalada Kismaayo.
189-9

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wada hadalladu sii soconayaan ilaa laga gaaro Heshiis, isagoo intaas kusii daray inaysan Macquul ahayn in dad helaan 100%, dad kalena ay helaan 0% ee ay tahay meel dhexe la isugu yimaado.

Ugu dambayntoii Gaas ayaa sheegay inay dawladda Puntland baahisay Mawqifkeeda oo ay usoo bandhi´gtay Shacabka Puntland, kan Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba, Halkan ka Akhri warbaahinta Puntlandes oo Daabacday

Dhanka kale madaxweynaha ayaa cadeeyey inuu Xamar u socdaali doono dhawaan, laakiin aysan wali cadayn Waqtiga,

Dhagayso waraysiga madaxweyne Gaas siiyey VOA


Puntlandes.com

 

About The Author