Daawo Video: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Booqday Degmaga Xarfo

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) ayaa wuxuu  Booqday Degmaga Xarfo, isagoo u kuur galayey sida ay hawlaha dawladu u socdaan.

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa wuxuu  kormeeray Xarumo ay ka mid ahaayeen Xarunta Degmada Xarfo, Saldhiga Degmada, Dugsiga Sare ee Xarfo, Dhismaha xarun Xabsi oo Degmada loo dhisayo iyo xarumo Caafimaad.

192-1

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa waxa wafdigiisa ka mid ahaa Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaaloow ayaa wuxuu dardar geliyey Shaqooyinka ka socday Gobolka isagoo bilaabay Booqasho uu ku kala bixinayo Degmooyinka Gobolka Mudug.

Puntlandes.com

About The Author