Madaxweyne Gaas waa inuu shaqa ka cayriyaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Xalna u helaa Cabashada Bari ka jirta

20 Jan 2016 (Puntlandes) Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen ayaa wuxuu ku sifoobay nin aan qaadi Karin Mas’uuliyad, isagoo  caan ku noqday hadalo uusan ku hadli karin Qof mas’uul ah iska daaye mid FADHI KU DIRIRAYA.

192-2

Waxaa u dambeeyey oo uu taliye Cabdixakiim ku hadlay hadal aan qof mas’uul ah ku hadli karin oo uu dadka ku nool Gobolka Bari ku eedeeyay inay wadaan arrimo ka dhan ah xasilooninada iyo wado dagaanaansha.

Waxaana ka mid ahaa waxa uu ku hadlay Taliye Cabdixakiim  ”reer Bariguna haddii ay xaaladu xumaanto ilmahooda ayey afka ku qaadan doonaan”

Taliye Cabdixakiim  “Dagaal hadduu dhaco Dhinacaana Cadawgii baa idinka xiga, Dhinaca kalena baddii baa idinka Xigtee xaggee u Cararaysaan”

Mar kasii horaysayna oo uu ka hadlayey Caruur Iskuuleeyna waxa uu yiri  “Najaaso, wacallo , xaaraan lagu koriyey”.

Madaxweynajha Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa quman inuu Xilka si deg deg ah uga qaado Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen isagoo eegaya Qaboojinta Xiisada uu Taliyiuhu abuuray.

Puntlandes.com

About The Author