DEG DEG: Weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay xeebta Liido

21 Jan 2106 (Puntlandes) Weerar oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaweyd oo caawa fiidkii ah ka dhacay magaayad laga cunteeyo oo ku taala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, Gaarigaas ayaa ku qarxay iridka hore ee maqaayada

war-deg-dega1211

Dabley hubeysan oo isku dayday qaraxa kaddib iney gudaha u galaan maqaayadda waxaana iska caabiyeen ilaalada maqaayadda , iyadoo ay markiiba halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo goobtaasi ka billaabay howlgallo ka dhan ah argagixisada weerarka geysatay.

Warar soo gaaraya warbaahinta Puntlandes ayaa waxa ay sheegayaan in rasaas culus ay ka dhacayso maqaayadaha Liido halkaas la isku waysaarsanayo.

Lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkaasi argagixiso, inkasoo weli la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan dableyda iyo ciidamada ammaanka.

Baarka la weeraray ayaa la rumeysanyahay iney ku sugnaayeen dad rayid ah oo halkaasi ka cunteynayay, waxaana weli socda howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka goobtaasi.

About The Author