Dhegayso: Cali Xaaji oo ku eedeeyey madaxweyne Gaas inuu Shirki Kismayo ogolaaday 4.5!!!

21 Jan 2106 (Puntlandes)  Cali Xaaji Warsame oo ah Siyaasiyi reer Puntland ah ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inuu ogolaaday shirkii Kismaayo Aqalka hoose lagu soo xulo haka Qabaliga ah ee 4.5, isagoon Cali ka hadlin waxa lagu Heshiiyey in Aqalka Sare lagu soo xulo.

192-6

Cali Xaaji oo waraysi Siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in sababaha heshiiska loogu saxiixi waayey Kismaayo ay tahay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo aan doonayn meel aan Xamar ahayn in lagu saxiixo oo ay magaca qaadato laakiin la isku af gartay in Aqalka Hoose lagu lasoo xulo 4.5.

Hadalka Cali Xaaji ayaa eg mid Siyaasadeed oon ka tarjumayn waxa laga wada hadlayey oo ahaa labada Aqal iyo habka lagu soo xuli doono, isagoon jaba yaraatee aan soo hadal qaadin Aqalka Sare.

Dhagayso Cali Xaaji oo Radio Daljir waraysi siiyey


Puntlandes.com

About The Author