Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Qalabka lagu dhisi doono waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 2-May-2016 waxa uu kormeeray qalabka lagu dhisi doono waddada Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo oo dhowaan ay soo iibsatey dawladda Puntland lagana soo dejiyey Dekedda magalaada Bosaaso.
Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli iyo wufuuddii kale ee ka socotey urur goboleedka IGAD iyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland.
Xubno katirsan guddiga waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo Injineerada waddada ayaa Madaxweynaha iyo Safiirka uga warbixiyey qalabkaan ay soo gadeen nooca uu yahay iyo shaqooyinka lagu qaban doono iyo sidoo kale qalabka loo baahan yahay ee aan weli lasoo gadin.
Dawladda Puntland ayaa ka codsatay dawladda Talyaaniga iyo urur goboleedka IGAD in ay ka caawiyaan mashaariic dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha waddada Ceel-daahir-Ceerigaabo oo lagu bilaabi doono dhismeheeda qaab isku tashi ah.
Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wufuudaasi caalamiga ah ayaa kormeeray Dekedda Boosaaso oo xilligaasi ay ka socotey dib u dayac tirid ay dawladdu ku samaynayso dekedda oo meelo kamid ah uu soo gaadhey bur-bur maadaama dekeddu ay dhisan tahay ku dhowaad labaatan sano.
Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xadhigga ka jaray labo waddo cusub oo laami ah oo mid kamid ahi ay isku xidhi doonto Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso iyo magaalada inteeda kale, halka waddada kalena ay isku xidhi doonto Madaxtooyada Boosaaso iyo Jidka Soddonka.
Dawladda Puntland ayaa xoogga saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaaleheeda iyo soo celint bilicda magaalooyinka iyadoo kaashanaysa shacabkeeda horumarka jecel, waxayna ku yimaadeen mashaariicdaasi isku tashigii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markii uu la wareegey hoggaanka Puntland.
Puntlandes.com